Masuul xukumada Siilaanyo iska casilay oo Muqdisho ka degay
Posted by By Dalweyn Media at 22 July, at 01 : 06 AM Print
Dalweyn com agaasimahii guud ee wasaaraada maaliyada Somaliland Jaamac Axmed Oday oo kal-hore iskii shaqada isaga casilay ayaa la xaqiijiyey inuu socdaal siyaasadeed iyo safar indha-indhayena u tegay caasimada Somaliya Muqdisho. Agaasimaha oo uu weheliyo masuul kale oo ay isku beel ka soo jeedaan ayaa warar xogogaal ahi noo xaqiijiyeen inuu gaadhay Muqdisho dhawaan si sibiqina u dhex maquurtay fagaarayaasha ololaha doorashada madaxtooyada ee Somaliya ka socdaan siiba xarunta oday dhaqameedyada hoyga u ah balse weli ma cada inuu Jaamac Oday liiska Madax-dhaqameedyada ku biiray iyo inuu xubin siyaasiya metelaayo.
Jaamac Oday ayaa markii uu iska casilay xilka Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland sheegay inuu deeq waxbarasho ka helay jaamacad aanu magacaabin oo ku taalla dalka Kenya ,wuxuuna beeniyey warar xiligaas warbaahintu qortay oo sheegaayey inuu u xusul duuban yahay inuu ku biiro Duubabka beesha Habrjeclo.
Jaamac Oday oo lagu tilmaamo qof xagga dhaqanka ku xeeldheer ayaa saaxiib weyn la ah islamarkaaba xidhiidh dhow la leh wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan oo ay isku beel ka soo jeedaan,waxaana lagu xaman jiray inuu ka mid ahaa mus-danbeedka talooyinkay jeediyaan iyagoo wareegto ah madaxtooyada ka soo baxaan.
Related Posts
-
Monaco oo Markale Ronaldo Dooneysa in ay ka Dhigto laacibka Ugu Qaalisan Aduunka
~ News, Puntland News
16 June, at 16 : 55 PM
-
Hooyada Dalka Ingariiska Ugu Gaaban Oo Wiilkeeda Sanadka Iyo Labada Jiray Ah Ka Dheeraday
~ News, Puntland News
16 June, at 16 : 11 PM
-
Askarta dowlada Soomaliya ee Baledweyne oo saanad hub ka helay dalka Jabuuti.
~ News, Puntland News
16 June, at 15 : 26 PM
-
Kala Carar ka jira Buurdhuubo iyo Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya Itoobiya oo udhaqaaqay
~ News, Puntland News
16 June, at 15 : 27 PM
-
Ciidamo Ka Wada Tirsan Kuwa Dawlada OO Ku Sugan Degmada Qoryooley OO Beelo Ukala Saftay Dagaal Xooganina UU Dhexmaray
~ News, Puntland News
16 June, at 15 : 29 PM
