Duulanka Soomaaliyo Ee Sanadkan 2012 Ma Lagu Xalinkaraa Qeyradka Shidaalka Iyo Dakedda Kismaayo,

Posted by By at 21 July, at 02 : 05 AM Print

Duulanka Soomaaliyo Ee Sanadkan 2012 Ma Lagu Xalinkaraa Qeyradka Shidaalka Iyo Dakedda Kismaayo,

Nayrobi-Dalweyn-Ayadoo Horey ay Dawlada Ethopio ugu fashilinatay Duulankii Sanadkii 2007-dii markii Ciidamadeedu ay Harada Magale ay uga duulan tageen qabsashada  Xeebaha Koonfurta Galbeed Wadanka Soomaaliya Kasaaran ee Liido ayaa Waxaa Markaleeto Soo shaacbaxay Go’aan Wada jir ah oo ay Soo wadda gaareen Dawladaha Urur Gobaledka IGAD uu dhib ugu dirayO Ciidamo tiro badan oo kawada Socda Labada Dawladood Kuwa Amisom Iyo Maleeshiayad Soomaali ah oo lagu tabaray Kenya,

Qorshahan ayaa loogu yeeraa Hindisaha Xal  U raadinta Nabada Somalia Isagoo Qaraar ahana kasoo fulay IGAD,

Balse Ababaleynta Masiirka Siyaaseded Ee Somalida ayaa waxaa qeyb ka ah Duulan Anfac doon ah oo ay wadaan Shirkado Calooshod u shaqeystal ah,Waana Black Water oo Amirecan ah Iyo Saracen oo Dalka South-africa Dagan Waxana labaduba ay Imanka Xarumo Waaweyn ku leeyihiin Dakadii Hore ilaa iyo duleedka Koonfur Bari Muqdisho halkaasi waxaa ay ka dhigteen Goobo lama galaan ah,

Qandaraas hoose ayaa baal socdo Hawalgalada Dagaalada Ee Dawladaha Kenya Iyo Ethopio oo aan isku raacsaneyn Wada Qabsi Gobalada Somalia Sida Jubbooyinka ama hareeraha Caasimada Oo ay isku hor fadhiyan Ciidamada Amisom Iyo kuwa Ashabaab Alqacidada Somalia,

 

Puntland Iyo Somaliland oo ka yara afkaar duwan TFG-da Madexweyn Shariif Waxaa xaga xeebaha ka ilaaliyo Ciidamo Ingiriis ah oo labo ilaa sadex markab dagaal ah oo Gaashanburta Nato ah’Gobalada Dhex ilaa Degmada Baladweyn’Waxaa iyana ka wada hawgalaayo Ciidamada Ethopio Iyo Kuw loogu yeero Suufiyada oo siyaasad raacsan.

 

Shirkadaha Total Iyo Sheell  ayaa baaris shidaal oo boob ahn ka wado Gobalada koonfurta Somalaia Waxana shirkada sheell oo france laga leeyahay ay bishii labad ka wadaa shidaal qodis meelo ka tirsan jubooyinka oo Malatariga kenya ay galeen October kal hore,

halka ay total oo talyaaniga laga leeyahayna ay ka hawgalayso Dhanka Gobalka Gedo ee Koonfurta Galbeed Somalia oo laga helay 60-dameeyadii Gaaska dabiiciga ah’Gedo oo ah Gobalka ugu warqaaqo sooran dalka Somalia Xaga Waxyaabaha Dabiicaga ee qeyradka Bodrol-ka Macdanta iyo dahabka biyaha laga Saaro Waxaa Maleeshiyada DKG Ah iyo Kuwa kenya iyo kuwa Ethopio ay ka heystaan Sadex dagmo oo kaliyah halka inta kalana ay ku badan yihiin Kooxaha Shabaab Alqacido Soomaaliya,

Laakiinse Si madaxbanaan Sheell Iyo Total-ba uma sheegan hawshan baaxada Weyn Ee ku qotonto qeyraadka Daahsoon ee Dulka Somalia ee aan walina la libdhabin,

Bu’uda ugu weyn  Ee Qilaafka Soomaaliya ayaa ah boobka Qeyraadka la isku heysto Oo Si Caalami ah ay weerar ugu hayeen Shirkado Shisheeye tan iyo 1990-kii markii ay Daceen dagaaladii Sokeeye Ee Dalka Somalia oo Sababay 20-sanadood oo dawlad la’aan ah aheyd,markii meesha ay ka baxday  taladii Milatariga ee Dowladii tawradii Maxdaxweynihii geeriyoday ee J.jene: Maxamed Siyaad Bare,

Dakada Caalamiga ah Ee Gobalada Jubbooyinka Ee Magaalada Kismaayo ayaa iyana ah Meel dhaqaallo badan faaido iyo nacfina uleh Maamulkasto oo Ka arimiya Jubbada hoose jubbada dhex Iyo Gedo oo sadexda Gobalba uu maro wabiga Jubba Ee Dalka Soomaaliya,Dekada Caalamiga ah Ee Kismaayo oo Qaado inkabadan boqol markab iyo Duunba marqura “Waxaa hoos yimaado 6-marso oo dabiici ah oo Dekadaha u qaabeysan kuwa ay ku xidhaan maraakiibta Shactarada oo dagaal iyo tujaaro -ba loo adeegsado.Hadase waa mid ay u tartamayan Labada Dowladooda Ee Kenya Iyo Ethopio-ba ay u hubeeyan Maleeshiyada Soomaalida oo laga dhigay Ciidamada dawlada KMG Ah,

Gobalada Jubbooyinka ayaa ah Dulka la baad ee ugu hodan san marka laga soo tago Gobalka Shabeellada hoose  Oo Dekado Dabiici ah ay ku yaalan islamarkasna leh qeyradka Bada iyo Biriga,

tani waa mid la taaban karo cadeyn ahaan”Maxaa yeelay waa ay muuqataa in dagaalka keyna ciidamadeeda ay Somalia ugu duulen ay isku dayayaan inay u ruqaansadan Kismaayo,kuwa Ethopio iyna sidoo kale oo waa kuwo garguurad ugu soo jiro kismaayo maxaa yeelay Waa hamiga muuqdo ee dawladeed ee ittopianka,Ugudabeyntiise Umuurtan ayaa ah Mid Qaran taasoo Dadbadan oo Somali ahna ay Ka careysan yihiin.

Mohamed Salad Abdulle

Freelance Journalist

Nairobi-kenya

t;254728431368

e;msalaad5@hotmail.com

msalaad2009@yahoo.com

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments