8 Diyaaradood Oo Laqorshaynayo In Lasiiyo Dawlada Kenya
Posted by By admin at 21 July, at 13 : 09 PM Print
Dowlada Maraykanka ayaa waxa uu qorsheynayaa in uu siiyo illaa siddeed dayuuradood oo ah nooca aan cidna wadin ee loo yaqaan Droneska si loo xoojiyo la dagaalanka ururka Alshabaab.
Sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal siddeeda dayuuradood ayaa waxa ay noqon doonaan kaalmo muhiim ah oo uu Maraykanku siinayo Kenya.
Sidoo kale wargeyska ayaa qoray in dowlada Maraykanku ay u tilmaami doonto ciidamada Kenya goobo mucayin ah oo la doonayo in la duqeeyo.
“Kaalmadan waxa ay ka taageeraysaa awoodda ay ciidamada Kenya ee ay kula dagaalamayso ururka Alshabaab iyadoo ay dawlada Maraykanka siineyso tababar iyo dayuuradaha aan cidna wadin,”ayaa waxa uu daabacay wargeyska Wall Street Journal.
Qorshahan lagu siinayo dayuuradaha dowlada Kenya ayaa waxa ay qeyb ka tahay gargaar dhan $41.4 million oo ay ka mid tahay baabuuro lagu qaado ciidamada,qalab isgaarsiineed iyo hub kale oo la siinayo ciidamada nabad ilaalinta ee Burundi, Djibouti iyo Uganda.
Dhinaca kale dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay heegan gelinayso ciidamadeeda iyagoo ka cabsi qaba in weeraro ay ku soo qaadaan bishan Ramadan ururka Alshabaab.
Related Posts
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
