Faysal Cali Waraabe:Soonaha Shanaad ee Ethiopia waxaa inagaga socda dagaal la doonayo in dadkeena laga soo saaro…soonaha shanaad 60% dadkeenaa dagan

Posted by By at 16 July, at 23 : 22 PM Print

Faysal Cali Waraabe:Soonaha Shanaad ee Ethiopia waxaa inagaga socda dagaal la doonayo in dadkeena laga soo saaro…soonaha shanaad 60% dadkeenaa dagan

Faysal Cali Waraabe oo gudoomiye u ah mid kamida xisbiyada maamulka la baxay Somaliland kana mid ah siyaasiyiinta horboodaya gooni ugoosadka gobolada Waqooyi ee Jamhuuriyadii Somalia ayaa hadalo dayl qaaf ah ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Hargaysa oo Xisbigiisu kula midoobayay garab kasoo go’ay xisbiga Udub.

Siyaasigan ayaa hadaladii uu ka jeediyay munaasabada kusoo qaatay Dowlada Deegaanka soomaalida iyo gobolada Jubooyinka.Waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Somaliland waxaa ku socota walaalayaal dhibaato badan baa ku socota.Waad ogtihiinoo soonaha shanaad ee Ethiopia waxaa inagaga socda dagaal la doonayo in dadkeena laga soo saaro soonaha shanaad oo la leeyahay daaqsin bay uyimaadeen ee deegaan ma aha.Waxaa loo baahan yahay in soonaha shanaad oo dhulkeeni ah oo 60% dadkeenu dagan yahay in siyaasadii aynu ku dajin lahayn ayn dowlada Ethiopia looga raadin lahaa in aanay dadka halkaa dagan ayna daaqin ku imana ay yihiin dad ree Itoobiya ah”.

“Waad maqlayseen maalin dhawayta niman salaadiin sheeganaya iyo boqoro oo ka hadlayay Xamar ka hadlayay oo lahaa waxaan leenahay Somaliland Sool iyo Sanaag ha ka baxdo….War Sool iyo Sanaag ma Jubooyinkay moodayaan, Juubooyinka oo dadka masaakiinta ah ee laga xooga badan yahay inta qoryo loo soo qaatay laga samaystay Dowlada goboleed”…

“Niman baa jira laba gobol oo ay lahaayeen intay meel soo dhigteen qasaya oo doonaya inaanay Muqdisho dagan oo inaanay Jubooyinku dagan oo waxay iska dhigayaan sidii yaxaaskii intuu dadka qaniino indhaha ilmada ka samaynayay ayay doonayaan inay qasaan Somalia inagana ina qasan ayuu yiri faysal waal oo ah niin neceb belaha darood kuna fogaday

 

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments