Saddex Arimood oo Uu Cabdiwali M Cali Gaas Codkayga Ku Helayo.
Posted by By Dalweyn Media at 14 July, at 01 : 35 AM Print
Waxaan Ku Bilaabayaa Magaca Allah Ee Naxariis Oo Dhan Iska Leh
Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan idinku Salaamayaa Dhammaantiin Salaanta Islaamka
Asalaamu Calaykum Waraxmatu Allahi Wa Barakaatuhu.
Akhritayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow, maanta waxaan idiin soo gudbinayaa saddex
arimood oo Cabdiwali M Cali Gaas ku hantiyey codkayga. Waxaad ogaataan in Rabbigeena
Qaadirka ahi ku abuuray ruux kasta garasho uu ku kala garto wanaaga iyo xumaha, wax
kasta oo qofku samaynayo oo ah wax qabasho ama burburin waxaad ogaataan inuu u
samayo ulakac, xumaan iyo wanaag kay tahayba. Marka garashadaas Rabbi aniga isiiyey
ayaa igaran siisay inaan sadexdaan arimood oo uu Cabdiwali Leeyahay ku siiyo codkayga.
1) Dareemida iyo ka damqashada
Akhristaha qiimaha iyo qaayaha badanow. Rabbigeen markuu tilmaamayo kuwa wanaagsan
waxuu ku tilmaama kuwa garanaya wanaagga oo dareemaya wanaagaas wanaagnimadiisa.
Markay samaynayaan wanaagga qalbigooda ayaa jeclaysta wanaagaas markaas ayeey
qabtaan iyagoo ku faraxsan kamana daalaan samaynta wanaaggaas. Markii ay arkaan
xumaan waxaa damqada damiirkooda markaas ayeey dhib ku noqotaa inay sameeyaan
xumaan iyagoo ka damqanaya dhibta xumaantaasi keentay ama ay keeni karto oo ku
dhacaysa naftooda iyo nafaha noolaha kalaba. Toloow Cabdiwali xaggee ka soo galayaa
arintaan…!
Akhristoow waxaan xuuraamiyey lakulankii aan la kulmay Cabdiwali ka bacdi bal inaan wax
kasii ogaado Cabdiwali Gaas, waxaan ogaaday inuu Cabdiwali dad aad u badan oo dhibanaa
uu isku dayey inuu dhibahaas intii karaankiisa ahaa wax ka qabto isagoo isticmaalayey
jeebkiisa, dadka uu garanayey oo uu xiriirka lalahaa oo wax ka qaban karayey
dhibahaas…iwm. Waxaa kaloo xusid mudan meel kasta oo dagaal ka dhaco oo dawladdu
qabsato waxuu ahaa shaqsiga ugu horeeya oo taga sida baladwayne, baydhabo,
balcad…iwm. Markaan waydiiyey dad siyaasadda u dhuun daloolay waxay ii sheegeen inuu u
aaday soo ogaanshaha dhibta meeshaas ka dhacday saamaynta ay ku yeelatay bulshadaas
iyo inuu soo ogaado rabitaanka bulshada meeshaas ku dhaqan.
Allah swtc ayaa markhaanti gashaday inaanan been abuuranayn inkastoo manta Somalidu
xushmayn magaca Rabbi qofkii cuskadana aanay rumaysan.
2) Ixtiraamka iyo tixgelinta
Akhristaha qiimaha iyo qaayaha badanoow waxaan indhahayga ku arkay ruux madax ah oo
waliba Somali ah oo qofkii u yimaada aan kala jeclayn hantida uu haysto, dharkuu xiran yahay, sida uu egyahay, qabiilka uu yahay iyo dariiqada uu haysto dhammaantoodna soo
dhowayn ixtiraam ku salaysan ku qaabilay. Waxii dadkaasi ay usocdeen hadday aragti iyo
fikir ay ahaan lahayd hadday wax doon ahaan lahayd u tixgelinaya oo aan qaylo kala
hortagayn… Ruuxaasi waa Cabdiwali Gaas…
Allah swtc ayaa markhaanti ii ah inaanan been abuuranayn inkastoo maanta somalidu aanay
Allah magaciisa xushmayn oo aanay rumaysan qofkii cuskada.
3) Dulqaadashada iyo Qancinta
Akhristaha qiimaha iyo qaayaha badanoow waxaan arkay ruux madax ah oo Somali ah oo
ruux kale ku qaylinayo oo u dulqaadanaya iskuna dayaya inuu qanciyo qofkaasi murmayey
oo qaylinayey… Ruuxaasi waa Cabdiwali Gaas.
Waxaan dhammaanteen wada ognahay markii aan yara jalleecno xagga madaxda in soo
gelitaankii ciidamada Kenya markii hore laysku wada raacay oo markii mid kamid ahi oo
waliba qaabilsanaa shaqadaas ku sheegay inay ku soo galeen si sharci ah in kii kale oo
madaxda ahaa arintaas halgaad ku dhuftay isagoo taladeeda hore wax ku lahaa. Arintaas
fadeexadda ah waxaan wada ognahay inuu dulqaad ka sameeyey ka bacdina iyadoo
gacmaha lays wada haysto wada jir loogu dhawaaqay inay kusoo galeen si sharci ah oo
dawladdu ogtahay.
Waxaan kaloo wada ognahay in lagu heshiiyey arintaan tubta nabadda in 18 kii gobol lagu
saleeyo maamul goboleedyada oo dhammaan madaxda sare wada saxiixeen. Iyadoo
xaajadaas laysku ogaa in Madaxa Sare uu soo saaray isagoo isticmaalaya xafiiska Cabdiwali
inuu maamul u aqbalay khaatumo, iyagoo khaatumo 18 kii gobol ka yeelanaya gobol buuxa
ahaan Sool, waxaa intaa sii dheer in labada meelood ee Puntland iyo khaatumo oo arintaas
ku muransan Cabdiwali ka soo jeedo eedna uga imanayso diidmada iyo ogolaanshaha
labadaba. Waxaa kaloo intaa sii dheeraa in maamulada sida xubin iyo xeeb, hiiraan lagu
diiday oo lagu xujeeyey inaysan buuxin shuruuddii ahayd 2 gobol iyo ka badan, halkaasna
uga keeni karto eedayn kale. Arintaas qallooca ah oo dadka qaarkiis yiraahdaan waa isku
dhufasho iyo iska horkeen ulakac loo sameeyey waxaad ogtihiin inuu dulqaad badan ka
sameeyey iskuna dayey inuu wada qanciyo dhammaantood.
Waxaan kaloo wada ognahay arintii qaraxii lala beegsaday Cabdiwali Gaas oo baaritaankii
iyo ka runsheegiddii isdaba marin badan yeeshay uu dulqaad badan ka sameeyey.
Waxaan kaloo wada ognahay arintii ku saabsanayd biya gelinta Somaliland, arintaas oo
dakhligii ku bixi lahaa Cabdiwali u saxiixay isagoo u danaynayey bulshadaas biyo gelinta
ubaahnayd iyadoo madaxda Somaliland mucaarad iyo muxaafadba ay afar iyo labaatanka
saac eed dusha uga tuurayeen…
GabagabadiiAkhrisataha qiimaha iyo qaayaha badanoow waxaan ogahay maanta in Somalidu u
haabahan tahay Ruux…
Damiir leh oo dareemaya oo ka damqanaya dhibaatada, sumcad xumada, sharaf
dhaca, dullinimada, xaquuq la’aanta, arxan darada haysata oo ku baahday bulshadii
karaamada lahayd ee Somaliyeed.
Ixtiraam iyo tixgelin leh oo qadarinaya fikirka iyo dareenka, dhagyaysanayana
dhawaqa iyo sawaxanka calaacalka ah ee ka yeeraya bulshadaas hooggu ku
habsaday.
Dulqaad leh oo u dulqaadanaya bulshadaas beenta iyo khayaamadu dilootay eedaha
ka soo yeeraya iyo rumaysi la’aanta ay ku hayaan inta uu ka tusayo inuu ka badelan
yahay kuwii khaaimiinta ahaa oo uu yahay ruuxii ay rabeen oo ay jeelanaayeen ee
daacadda ahaa.
Saddexdaas arimoodna waxaa leh oo aan been ahayn oo codkaygii ku helay…. Cabdiwali M
Cali Gaas
Akhrisatayaasha qaarkoodoow Sidii caadada ahayd ruux magaca Rabbi kuu maray waxaad
dhahdaan waa beentiis oo ha qiimayn magaca Allah …
Sidii Caadada ahayd qofkii ruux uu wanaag ku arkay farta kuugu fiiqay waxaad dhahdaa waa
isku Qabiil oo waxuu ku raacay tol ahaan. Illayn waa waxa ina dilooday oo aan qofna qof
kale u ogolayn inuu xaqiiq run ah oo wanaag ah ka sheego…
Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.c
Related Posts
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
