GAROOWE: Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya oo Wadahadal Garoowe kula furay Puntland (Sawiro)
Posted by By Dalweyn Media at 14 July, at 00 : 27 AM Print
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed
Maxamuud Farole ayaa maanta kula kulma xarrunta madaxtoyada Garoowe ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobey Somalia Dr.Augustine Mahiga iy xubno ka tirsan xafiiskiisa , kuwaas oo kuweheliyey safarka uu ku tegay Caasimada Puntland ee Garoowe.siyasiiga rug cadaga a
Faroole oo qaabilay Mahiga
Dr. Mahiga iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxay ka wadahadleen arrimo khuseeya Qaabkii loo soo xuli lahaa ergeda dastuurka iyo arrimo kale oo saxaafada loo sheegin. Dr. Mahiga ayaa la kulmay oo kale Oday dhaqameedka Puntland iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah guddiga dib u eegida qabyo qoraalka DFKMG Soomaaliya.
Dr. Mahiga iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole oo shirka kaddib warsaxaafadeed kuwada qabtay banaanka aqalka madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweyne faroole uu sheegay in Mahiga ay ka wada hadleen arrimaha barnaamijka Road Map-ka iyo siddii loo dhamaystiri lahaa iyo arrimo kale , wuxuuna faroole intaas ku daray in la isku afgartay dhammaan waxyaalihii laga hadlay.
Dr. Mahiga ayaa dhankiisa sheegay in arrimaha ay kala hadleen madaxweynaha, siyaasiyiinta , Oday dhaqameedka ay yihiin arrimo khuseeya barnaamijka qorshaha nabada Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in barnaamij miro dhal ah ay ka wadahadleen iyaga iyo Puntland.
Mahiga ayaa gaba-gabadii sheegay in Waqtigu uu yahay mid gabo-gabo ah loona baahan yahay in laga faa’iidaysto.
Sikastaba , Warar madax banaan ayaa sheegaya in Mahiga uu Madaxda Puntland iyo Oday dhaqameedka Puntland uu kala hadlay inay garab qabtaan samata-bixinta Soomaaliya , Puntland-na looga baahan yahay in si xoogan u taageeraan Barnaamijka looga baxayo Road map-ka, waxaa kaloo jira Warar kale oo ayana sheegayaan in Puntland saluug ay ka muujisay sida Muqdisho wax uga socdaan darteed lagu qancinayo in Qaramada midoobay ay ill gaar ku haynayso Eeda ay Puntland u soo jeedisay dowlada Federaalka ee Muqdisho , ee ah inay musuq maasuqayaan madaxda dowlada barnaamijka road mapka ee looga baxayo kumeel-gaarka.
Related Posts
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM


