Diyaarado duqeeyay Gedo iyo Dowlada KMG oo ka hadashay

Posted by By at 13 July, at 08 : 20 AM Print

Diyaarado duqeeyay Gedo iyo Dowlada KMG oo ka hadashay

Diyaarado la rumeysan yahay iney leedahay Dowlada Kenya ayaa waxaa ay shalay duqeymo ay ka geysteen deegaanka lagu magacaabo Birta-dheer oo kuyaala duleedka degmada Garbahaaray ee Xarunta Gobalka waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi qasaaro uu ka dhashay.

Deegaanka la duqeeyay ayaa la tilmaamay iney fariisamo muhiim ah ay ku lahaayeen kooxda shabaab oo ka dagaalanta deegaano ka tirsan Gobalka Gedo,waxaana lasoo warinayaa in shabaab duqeyntaas qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaaray wallow aan la xaqiijin karin qasaaraha halka uu la egyahay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maaamulka Dowlada KMG ee Soomaaliya ee Gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in duqeyntii shalay ay ka danbeysay Dowlada Kenya islamarkaana amarka ah in la duqeeyo deegaankaasi ay bixiyeen saraakiisha ciidamada Dowlada.

Kaliil oo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sheegay mar uu ka hadlayay qasaaraha in duqeyntaasi kooxda shabaab lagaga gubey sida uu hadalka u dhigay ilaa iyo sedax gadiidka dagaalka ah oo u yaalat deegaanka Birta -dheer oo ah saldhig muhiim ah oo shabaab ay ku lahayeen deegaaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa ku hanjabay iney soo socon doonaan howlgalada ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah si buu yiri Shabaab looga si feeyo deegaanada iyo degmooyinka Gobalka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

 

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments