Baarlamaanka Somalia oo Isbedel ku soo socdo

Posted by By at 13 July, at 01 : 28 AM Print

Baarlamaanka Somalia oo Isbedel ku soo socdo

Waxaa wakhti aan fogayn dhicidoona isbedel dhinacyo badan leh kaas oo ku wajahan nidaamka dawliga ah ee labaatankii ugu danbeeyay Somalia ku jirtay, waa nidaamka “kumeelgaadhka” afka qalaad lagu dhaho, “Transitional”.

Waxaynu kusoo caana maalay mudo aad u badan balse wakhtigan wuxuu noqday wakhtigii lasoo gabagabaynlahaa jiritaankiisa.  Waxaa looga gudbi doonaa nidaamaka rasmiga ah kaas oo Somaliya ay hore usoo martay iyadoo dadku is raacsanyahay oo aanuu jirin tafaraaruq badan oo hadheeyay wadanka iyo dadka Somaliba maanta. Hase ahaatee waxaan lagaranayn kan soo socdaa ee bilaha fooda inagu soo haya imanaya waxa uu la’imandoono maadaama dalka qaar sheeganayaan inay Somali kago’een, qaarkalena ku doodaan inay yihiin dawlad goboleedyo is maamula, halka dhul aad u balaadhana ay gacanta ugu jirto Al-shabaab oo ah kuwo si cad ugasoo horjeeda dawlada oo waliba dagaal kulajira.

Sikastaba ha’ahaatee, waxaa kamid ah waxyaabaha lays waydiinayo dadka ugu badan oo nidaam is bedelkani saamayndoono oo loo arkay inay yihiin Baarlamaanka hada jira.  Baarlamaankan waxaa marka ugu horeysa lagu dhawaaqay in tiradooda badan ladhimaayo marka labaadna inta soo hadha aanay ogayn inay iyana soo laabandoonaan maadaama kuwa cusubi ay noqonaayaan kuwo bulshadu soo doorato iyadoo waliba hogaanka dhaqanku soo xulaayaan.

Rag badan iyo waliba dumarba aan dhehee oo iyagu aad uga dhex muuqanjiray golayaasha shirarka aadna looga maqlijiray idaacadaha ayaa maanta aad moodaa in ay adagtahay inay dib ugu soo laabtaan meelihii looga bartay oo Baarlamaanku ugu horeeyo.  Sababaha keenaya in dadkaasi aanay si fudud ugu soo laabana ay tahay dhowr arimood sida bulshawaynta Somaliyeed isladhex maraan ama laga maqlo goobaha laysugu yimaado.

Waa marka koowaade, waxaa loo arkaa 100/100 inaanay istaahilin in lasoo cesho dadka Baarlamaanka ku jira hadii larabo in isbedelka lasheegayaa noqdo mid run noqda oo Somali u horseeda barwaaqo iyo horumar aan la arag sanadihii dawlada dhexe meesha kamaqnayd ee burburka iyo kala fadhigu wiiqay dadkii iyo dalkiiba. Waxaana loo sababeeyaa in dadka Baarlamaanka dhex fadhiyaa ay kasoo qayb qaateen fool xumooyin badan oo dhacay Baarlamaanka dhexdiisa oo ay ugu horeeyaan dagaaladii dhexdooda ee kuraasta laysladhacay iyo kuwii baakooradahaba lays huwiyay iyo waliba fadeexado badan oo aan halkan lagusoo koobikarin.

Ta labaadna waxay tahay, iyagoo aan wax lataabankaro u qaban dhulka Somali guud ahaan gaar ahaana goboladii ay kayimaadeen iyadoo taasi u dheertahay eedaymo lagu tilmaamo in badankoodba aanay weligood tegin gobolada ay sheegtaan inay metelaan oo ay yihiin dad wakiilo u ah.  Tani waa mida la’odhankaro waxay ku noqonaysaa dhib sahasha inaan lagawada hadlinba soo celintooda oo iyaga laftigoodu ay ugu dhiciwaayaan inay dalbadaan in lasoo celiyo maadaama ay ogyihiin arintan sida ay ugu noqonkarto wax aanay jawaab u helin marka lasoo hordhigo.

Ta sadexaad waxay tahay, iyaga oo aan ladoodikarayn dadka cusub oo iyagu ku doodaya inay isbedelka la jaanqaadikarayaan kaalin fiicana ka gelayaan hadii loo doorto inay noqdaan xubnaha Baarlamaanka cusub.

Iskusoo wadaduuboo waxaad dhoowrtaaba waa dad cusub iyo isbedel horleh kaas oo ah kii ay Somaliyi ku naaloonaysay mudo inay maruun helaan iyagoo aan marnaba kasugayn inuu kayimaado dadka hada dhex fadhiya Baarlamaanka oo aan kasoo sheekaynay dhibtooda iyo dheeftoodaba. Waxaana qaarbadan lagaranayn waxa lagu xasuusan doono hadiiba ay tagaan oo aanay kusoo laabmin xubin noqoshada Baarlamaanka imandoona.  War jiraaba cakaaruu ima

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments