Wiil gowracan oo lagu arkay Koofurta Gaalkacyo iyo shacabka magaaladda oo cabsi weyn dareemaya

Posted by By at 12 July, at 11 : 12 AM Print

Wiil gowracan oo lagu arkay Koofurta Gaalkacyo iyo shacabka magaaladda oo cabsi weyn dareemaya

Wararka naga soo gaaraya Koofurta Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in lagu arkay gudaha magaaladda Wiil yar oo la gowracay.

Wiilkan oo da’diisa ay udhaxayso 10 sano ilaa 12 sano ayaa waxaa lasoo dhigay meydkiisa Koofurta magaaladda iyadoo midi ama toorey dilkiisa loo adeegsaday.

Goob jooge ayaa usheegay Xafiiska Warqaad.com ee Bartamaha Soomaaliya in meydka Wiilkan oo la dilay xalay lasoo dhigay gudaha magaaladda dadkana ay arintaas ka argagaxeen.

‘Agagaarka isbitaalka weyn ee magaaladda ayaa lasoo dhigay meydka marxuumka’ayuu sheegay goob joogaha aan kala hadalnay Koofurta Gaalkacyo

Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan ka warhayn cida ka danbaysa falkas sida waxuushnimada ah loogu dilay wiilkan dhalinyarada ah.

Waxaa gudaha magaaladda iyo deegaanada ku xeeran ka soconaya howlgalo xoogan oo lagu baadi goobayo kooxdii ka danbaysay falkaas lagu dilay wiilkan dhalinyarada ah.

Dilkan argagaxa ku abuuray shacabka Gaalkacyo ayaa ahayn kii ugu horeeyay ee ka dhaca goboladda dalka, inkastoo cida gaysatay aysan wax naxariis ah usamayn.

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments