IGAD oo kahadashay Xaaladda Soomaaliya digniin xooganna udirtay madaxda dowlada Soomaaliya

Posted by By at 12 July, at 12 : 51 PM Print

IGAD oo kahadashay Xaaladda Soomaaliya digniin xooganna udirtay madaxda dowlada Soomaaliya

Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay kulan ay isugu yimaaden Wasiirada arimaha dibada Urur goboleedka IGAD waxaana ay kulankaas kaga hadleen xaaladda Soomaaliya.

War murtiyeed laga soo saaray kulankaas ayaa waxaa digniin xoogan loogu jeediyay madaxda dowlada Soomaaliya, waxaana sidoo kale saxiixayaasha Road Map-ka loogu yeeray in ay si deg deg ah udhaqan geliyaan heshiisyadii lagaaray.

‘waan saxiixayaasha road map-ka dhowraan heshiisyadii lagaaray oo aan dhinacna looga bixin’ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay kulanka Wasiirada arimaha dibadda IGAD.

Waxaa Bayaanka lagu sheegay in dhinacyada Soomaaliya ee saxiixayaasha Road Map-ka ay hadalo kulul warbaahinta isku marinayaan taasna ay hoos udhigayso rajada xal uhelida Soomaalia.

“Waxaan ugubaaqaynaa madaxda Soomaalida inaty joojiyaan hadalada kul kul ee ay hawada isku mariyaan waayo waxay dhibaato ku tahay qorshaha looga baxayo ku meel gaarnimada” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ay soo saareen wasiiradda arrimaha dibbada wadamada ku jira urur goboleedka IGAD .

Bayaanka kasoo baxay IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay ay aad usoo dhaweynayaan cuna qabatayntii ay QM iyo Mareykanka kusoo rogeen Saraakiil ukala dhalatay dalalka Kenya, Eriteria iyo jabuuti kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taageeraan Shabaab.

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments