Sarkaal ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan oo loo magacaabay Afhayeenka Cuusb ee AMISOM
Posted by By admin at 8 July, at 12 : 43 PM Print
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa yeeshay afhayeen cusub oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya, isagoo howsha kala wareegi doona afhayeenkii hore ee AMISOM Col. Paddy Ankunda oo u dhashay dalka Uganda.
G/sare Cali Aadan Xaamud oo ka hadlay munaasabaddii lagu magacaabay oo ka dhacday taliska ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin ee Xalane ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo afhayeenka ciidamada AMISOM.
“Waxaan ballanqaadayaa inaan howsha la ii igmaday kasoo bixi doono; hadba halka ay howlgalladu marayaanna aan soo bandhigo, waxaana ku faraxsanahay inaan ku hadlo afka Soomaaliga ayna Soomaalidu si wanaagsan ii fahmi doonaan,” ayuu yiri G/sare Xaamud oo saxaafadda la hadlay.
Afhayeenkii hore ee Ciidamada AMISOM, Col. Paddy Ankunda oo Uganda kasoo jeeda oo isagana saxaafadda kula hadlay Xalane ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay afhayeenka cusub ee la magacaabay ciidamada Midowga Afrika uuna ka caain doonisagoo u rajeeyay howl wacan.
Sarkaalkan Jabuutiyaanka ah ayaa ciidamada dalkiisa ka mid ahaa muddo 20-sano ah, isagoo ka mid ahaa saraakiishii tababarka siiyay ciidamada dalka Jabuuti ee ka mid noqday howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, sarkaalkan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan guulo laga gaari doono howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, kaasoo ay qaybta ka yihiin ciidammo ka socda dalalka: Uganda, Burundi, Kenya, Sierra Leone iyo Jabuuti.
Related Posts
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
-
Prof.Gaandi oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo
~ News, Somali News
18 May, at 09 : 58 AM
-
Qarax Xoogan oo caawa ruxay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay “Faah Faahinta qaraxa”
~ News, Puntland News
16 May, at 18 : 29 PM
