Kenya oo ka noqotay heshiiskii dhanka saliida ahaa ee ay la gashay Iran

Posted by By at 6 July, at 01 : 01 AM Print

Kenya oo ka noqotay heshiiskii dhanka saliida ahaa ee ay la gashay Iran

Kenya oo ka noqotay heshiiskii dhanka saliida ahaa ee ay la gashay Iran

Dowlada Britain ayaa ugu baaqday kenya in ay ka fiirsato heshiiska dhanka saliida ee Iran maadaama Iran ay la kulmayso cadaadisyo badan oo caalami ah.

Dowlada dalka Kenya ayaa ka laabatay heshiis dhanka saliida ahaa ee ay la gashay dalka Iran taasi oo ay ahayd in Kenya ay saliid ka soo dhoofsato Iran.

Sargaal sare oo ka tirsan wasaarada tamarta ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay kansashay heshiiskii dhanka saliida ee Iran taasi oo sanadkii ay kaga soo dhoofsan lahayd Iran 4 milyan oo tan oo saliid ah .

Xoghayaha joogtada ee wasaarada tamarta Mr Patrick Nyoike ayaa sheegay in dowlada kenya ay ka baqday cuna qabatayn ay ku soo rogaan wadamada reer galbeedka waxa uu sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters .

Go’aankii Kenya ee ahaa in kenya ay Iran ka soo dhoofsato saliid dhan 80,000 barmiil bishii ayaa aha mid ka yaabiyay wadamada reer galbeedka.

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments