Fanaaniin katirsan Kooxda qeylo dhaan oo maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay ‘Sawiro”
Posted by By Dalweyn Media at 5 July, at 11 : 51 AM Print
Waxaa Maanta Magaaladda Muqdisho soo gaaray Fanaaniinta Kooxda Qeyla dhaan iyo madaxda Hey’adda wada hadalka bulshada ee CCD iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Muqdisho.
Waxaa dadkii soo dhaweynayay kamid ah Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Fanaaniinta soo gaartay Muqdisho ayaa waxaa ku jira Fanaanka Jooqle Shire Jaamac, Muusikiistaha C/xakiin Farayare iyo Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka Bulshada Ciise Axmed Cumar ayaa si wada jir ah loogu soo dhoweeyay garoonka, waxaana haween xirnaa hidiyaha dhaqanka iyo calanka soomaaliya oo watay boorar ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo soo dhoweyn ah.
Jooqle Shire Jaamac oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Muqdisho dib ugu soo laabto muddo labaatan sano kadib, isagoo qiiro ka muuqatay ayuu xusay inuu ka qeyb qaadanayo halganka qarnimo iyo maslaxada umada Soomaaliyed, ayna ku cabiri doonaan suugaan, sidii Umada Soomaaliyed nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa.
Jooqle iyo Farayare oo hadalkooda sii wata ayaa ku nuux nuuxsaday in Guddoomiyaha CCD Ciise Axmed Cumar ay uga mahad naqayaan sida uu ugu suurageliyay booqashadooda Muqdisho, waxayna hoosta ka xariiqeen inay ka go’an tahay sidii ay dadkooda ula qeybsan lahaayeen hadba marxalada lagu jiro, iyagoo tilmaamay inta ay joogaan Muqdisho inay qaban doonaan barnaamijyo ay bulshada ku baraarujinayaan dhinacyada nabadda wadajirka, dib u heshiisiinta iyo wadaninimada.
Gudoomiyaha degmada Warta Nabada Ex Wardhiigley Deeqa C/qaadir iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa labaduba sheegay inay ku faraxsan yihiin in qaar ka mid ah Fanaaniintii Soomaaliyed ee dibadaha ku maqnaa inay dalka dib ugu soo laabtaan.
Kooxda Qeyla dhaan ayaa lagu xusuusta suugaantii ay ku cabirayeen xaalada dalka, sida abaaraha iyo colaadaha, iyadoo heestoodii caan baxday ee qeyla dhaan ay ugu magac dareen ardaydii, aqoonyahanadii iyo mas’uuliyiintii lagu laayay qarixii Hotel Shaamow ee sanadkii 2009-kii.












Related Posts
-
Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
~ News, Somali News
23 May, at 12 : 03 PM
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
