Ilaalinta Anshaxa Saxaafada
Posted by By Dalweyn Media at 4 July, at 13 : 19 PM Print
Ilaalinta anshaxa saxaafada waa Sidii aad u gudan lahayd shaqadaada saxaafadadeed una badbaadin lahayd xuquuqda bulshada inteeda kale, waxaa dhacda inta badan in shaqaalaha saxaafada iyo bulshada uu ka dhaxeeyo hirdan xoogan,iyadoo la oran karo maaha taas ujeedadeedu in saxaafadu lidi ku tahay nolosha aadanaha laakiin hadana waxaa loo ilinayaa dareenkaa colaadeed ee u dhexeeya saxaafada iyo bulshada inteeda kale inay abuureen qaar kamida saxaafada oo u isticmalaya qalabka warbaahinta si aan haboonayn iyagoo ku fushanaya danahooda gaarka ah ama ku duraya kooxo loolan ka dhexeeyo,taas oo kale waxaan tusaale ugu soo qaadi karnaa qaar kamida warbaahiyayaasha soomaaliyeed oo aad moodo inay si qaldan u fahmeen Ujeedada saxaafada , kuwaas oo ku howlan siday ugu dawin lahaayeen dulmiga iyo tacadiyada ka taagan qaarkamida  deegaanada soomaaliyeed kuwa ka nabad galay dhibaatadaa ,taasoo lagu tilmaami karo maangaabnimo iyo quudhiwaa nololeed ay ku caanbaxeen shaqaalaha warbaahiyayaashaa , Kadib markii ay burburtay dhowladii dhexe ee wadanka waxay galaafatay burbur badan oo taabanaya dhinac walba ayna ugu horayso burbur maskaxeed ku habsaday deegaanada qaarkood.
Hadaba Saxaafadu waa muraayada laga daawado dhacdooyinka nolosha, waa halka laga daalacdo waayaha bulsha kasta iyo dareenkeeda,tabashadeeda iyo himilooyinka nolasheeda,waa madasha dood iyo dareen wadaaga wareed, maaha muraayadu inay marwalba iyo goobkasta ay ka muujiso warar naxdin leh iyo dareen argagax leh.
Hadii aan usoo daadago baahida saxaafada soomaliya maanta waxaan oran karnaa waa il muhiina hadii ay mudnaanta koowaad siiyaan dareenka shulshadooda iyo udaadihinta dareen wanaagsan oo ku qotoma muwaadinimo xeel dheer si loo hirgaliyo hanaankaa wanaagsan ee ku dhisan cadaalada iyo indheergaranimada.
Ku bilow qoraalkaaga isha aadka soo xigatay goorta aad ka soo xigatay meesha aad kaga soo xigatay iyo sababtaad uga soo xigatay wooyo akhristayaashaadu ama dhagaystayaashaadu waxay tixgalinayaan ilo wareedkaaga, ha ahaado warkaagu mid ku qotoma cadaalada,
Ka ilaali warkaaga mala awaalka iyo dhexdhexaad la’aanta, Marna ha u xaglin dhinac, ha waraysan qof walba ha ahaado ili wareedkaagu mid lagu kalsoon yahay.
Warkaagu yuu noqon mid marwalba laga naxo , ku xagli dhanka wanaagsan adoo gudanaya shaqadaada badbaadinayana danta dalkaaga iyo dareenka dadkaaga , ha noqon ruux dalkiisa muuqaal xun ka wariya, ku wacyi gali bulshadaada dantooda guud adoo raacaya aayadii quraanka ahayd ee ina amraysay inaan hubsada warka waayo waxay aayadu leedahay ‘ hadii faasiq war idiin keeno hubsada ha qaadanina si aydinan hadhow uga qoomamayn ”The basis of good journalistic practice is a citizen’s right to correct and essential information by which he can form a realistic picture of the world and society around him’ DALWEYN MEDIA CABDI SAMAD QAYLIYE
Related Posts
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
