Deeq-bixiyeyaasha Caalamka oo dalbaday in Dastuurka Cusub ee Soomaaliya laga dhigo mid Dhowraya Xorriyadda Diimaha
Posted by By Dalweyn Media at 4 July, at 13 : 23 PM Print
Wadamada Deeqaha bixiya ee caalamka ee ka qaybgalay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ee ka dhacay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa dalbaday in dastuurka cusub ee Soomaaliya uu noqdo mid dhowraya xorriyadda diimaha.
Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay sidii gargaarka caalamka bixiyo lagu gaadhsiin lahaa goobaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaha ka saareen Xarakada Al-shabaab bilihii lasoo dhaafay.
“Waxaa waajib nagu ah in sharciyada iyo xorriyadda diimuhu ee dastuurka cusub ay noqdaan kuwo loo siman yahay, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Taliyaaniga, Giulio Terzi oo dalkiisu uu mari geliyay shirkan.
“Diinta masiixiga iyo diimaha kale waa inay noqdaan kuwo si simman loo adeegsan karo,” ayuu yiri, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in dastuurka cusub uu yahay mid lagu saleeyay diinta Islaamka.
Shirka Roma ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiil ka socday 28 dal iyo wakiillada haya’daha caalamiga ah oo uu ku jiray ergayga gaarka ah ee xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.
Warqadihii siyaasadda ka hadlayay oo loo qaybiyay xubnaha shirka ka qaybgalyay ayaa lagu sheegay in xilliga KMG ah oo laga baxo lana helo dowlad rasmi ah ay tahay mid aad u dhib badan in xilligii loogu talogalay lagu fuliyo.
“Howlo badan oo ka mid ah khariidadda nabadda ama Roadmap-ka ayaan weli la qaban,” ayaa lagu yiri qoraalkaas. Iyadoo madaxda dowladdu ay sheegayaan inay ku dhameyn doonaan xilliga KMG ah muddada loogu talogalay oo ah 20-ka Ogoosto ee sannadkan.
Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa yiri: “Xaaladda Soomaaliya waxay maraysaa meel khatar ah… haddii aan gabagabeyno xilliga KMG ah, waxaan rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay geli doonaan xaalad cusub.”
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa isaguna yiri: “Waxaan diyaarinaynaa aasaaska Soomaaliya cusub. Qaranka Soomaaliyeed wuxuu 20-ka Ogoosto kaddib u dabbaad-degi doonaa xilli cusub.”
Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan ayaa laga sugayaa inay soo xulaan ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka cusub soona xuli lahaa xildhibaanno tiradoodu tahay 225-mudane si ay u bedelaan kuwa hadda shaqeynaya.
Dastuurka cusub oo qaybyo-qoraalka ah ayay madaxda Soomaalidu waxay iskula garteen bishii lasoo dhaafay shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi, iyadoo loo gudbiyay odayaasha dhaqanka si ay uga soo talo-bixiyaan.
Lama oga sida ay madaxda dowladdu ku aqbali karaan in qabyo-qoraalka dastuurka ee la doonayo in la ansixiyo 12-ka bishan uu u noqon lahaa mid dhowraya xorriyadda diimaha.
Related Posts
-
Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
~ News, Somali News
23 May, at 12 : 03 PM
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
