JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE MALAYSIA OO KA CABANAYSA SAFIIRKA CUSUB SALAAD ALI IBRAHIM CATOSH EE MALAYSIA

Posted by By at 1 July, at 23 : 51 PM Print

JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE MALAYSIA OO KA CABANAYSA SAFIIRKA CUSUB SALAAD ALI IBRAHIM CATOSH  EE MALAYSIA

Madii aan nahay Jaaliyadda soomaaliyeed ee Malaysia waxaan go’aansanay inaan idiin soo dirno qoraalkaan cabashadda ah oo ku saabsan dhibaatooyin aan kala kulanay nin la sheegay in dowladda soomaaliya u soo magacaawday Malaysia, ninkaan ayaa lagu magacaabaa Salaad Ibrahim Ali Catosh, waxuuna ka mid yahay soomaalida Australia daganaa 30kii sanadood ee danbeeyay, Mudane Salaad Ali Ibrahim Catosh ayaa sita waraaqo aqoonsi ah oo lagu sheegay in loo soo magacaabay safiirka soomaaliya u dhifaya Malaysia, in kastoo dowladda Malaysia eey san wali si fiican eeysan u aqoonsan hadana Mr catoosh waxuu u dhaqmaa sida inuu soomaalida malaysia leehay oo kale, Mr Salaad Ali Ibraahim catoosh ayaa iminka waxuu si ku meelgaar ah u dagan yahay guri uu malaysia ka iibsaday Gudoomiyahii hore ee Baarlaamka Mudane Shariif Xasan ( shariif sakiin ) .

Soomaalida Malaysia ayaa aaminsan in mudane Salaad Ali Ibrahim Catosh uu Malaysia ku yimaaday qaab qaldan, sida laga soo xigtay dad dowladda ku dhaw dhaw  sababtoo ah warqaaha safiirninadda waxaa u soo dhameyay gudoomiyaha hore Baarlaamka Mudane Shariif Hassan ( shariif sakiin ) oo qaraab dhaw yihiin markii farmaajo is casily, catoosh ayaanan soomaaliya tagin (30 years ) sodonkii sane ee danbeeysay, waxaana sii caawiyay wasiirkii hore arrimaha dibadda ee soomaaliya ee markii danbe noqday wasiirka beeraha, mudane Maxamed Maxamud oo eey qaraabo wada yihiin, wasiirkaas hore ayaa  aad ugu dadaalay sidii uu Malaysia ugu dhaadhicinlahaa inuu yahay safiirka soomaalida ee malaysia,

Mr Salaad Ali Ibraahim ayaa mucaaridnimo xoogan kala kulmay soomaalida Malaysia badkood sababto la xeriiro arrimahaan

Mudane catoosh ayaa dowlada maleeshiya ku cadaadinooyo in wax kasta eey soomaalida sitaan asiga uu soo cadeeyo xitaa dadkii hore joogi jiray taasna waxaa tusaale ahaan Mr Salaad Ali Ibraahimcatoosh oo  sabab u haa xeritaan 4 muwaadin oo soomaali ah eey ku jirta hooyo soomaaliyeed oo lagu magaaco Nimo Hayd & gabadheeda yar ee sadax sano jir ah, waxuuna ku Passporkooda ku sheegay  kadib markii eey hooyadaas is af dhaafeen iyadoo joogto airport, taasna waxeey sababtay in hooyadaas & gabadheeda xabsiga ku jiraan muda 60 maalmood kadib loo masaafuriyo soomaaliya, sida oo kale iminga waxaa xeran 2 soomaalia oo u xeran sababo laxiira laakiin waxaan hubnaa in hooyadaas & gabadheeda yar eey passporkooda sax yahay oo soomaaliya kala imaatay sanad ka hor.

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments