Madaxweyne Cabdi ilay oo gaadhay qaaradda Australiya

Posted by By at 30 June, at 01 : 21 AM Print

Madaxweyne Cabdi ilay oo gaadhay qaaradda Australiya

Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay qaaradda Australiya iyagoo ka dagay magaalada Melbourne halkaas oo ay kusii sugnaayeen wafti hore oo uu hoggaaminayay madaxweyne Kuxigeenka DDS ahna hoggaanka nabadgalyada Cabdullaahi Yuusuf Weerar.

 

Madaxweynaha waxaa garoonka Melbourne kusoo dhaweeyey masuuliyiintii kasii horeysey iyo madaxda jaaliyadda DDS ee dalka Austrlaliya. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ku wareegi doono qaaradda Australiya kulamo badanna uu la gali doono jaaliyadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.Wafiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa iney ku dhexsocdaalaan dhulwaynaha qaaradda Australiya iyagoo sidoo kale usii gudbi doona waddamo ka tirsan ree galbeedka .

Waxii kasoo kordha socdaalka waftiga kala soco DALWEYN MEDIA

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments