Dowlada Masar oo ka qeyb gelaysa shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ee Arimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Talyaaniga
Posted by By Dalweyn Media at 30 June, at 12 : 29 PM Print
Wadanka Talyaaniga waxaa la filayaa in uu dhowaan ka furmo shir ay yeelanayaan kooxda xiriirka caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya ee la yiraahdo ICG, taasi oo qeyb ka noqon doonaan dalal badan oo Hor leh.
Xukuumada uu hugaamiyo Madaxweyne Mursi ee Al-Qaahira ayaa ku dhawaaqdey in ay ka qeyb gelayaan shirkaasi xiriirka Caalamiga ah ee Arimaha Soomaaliya looga hadlo, iyadoo sheegtey in ay ka go,an tahay nabad ka dhalata Soomaaliya.
Ergeyga arimaha Afrika u qaabilsan Masar Muna Cumar ayaa la filayaa in ay shirkaasi u meteli doonto xukuumada Al-Qaahira ee dalka Masar, waxaana ay sheegtey in ay guul u tahey ka qeyb galka shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Bayaan ka soo baxey wasaarada arimaha debeda ee dalka Masar ayaa lagu sheegey in ay Masaarida ka go,an tahay in la helo Dowlad rasmi ah oo cagaheeda ku taagan oo ka dhalata Soomaaliya, sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegey in ay wefdigaasi hugaamin doonto Muna Cumar.
Gudaha wadanka Talyaaniga waxaa la filayaa in uu ka furmo shir mudo kooban oo labba cisho ah u socon doonta kooxda xiriirka caalamiga ah ee Arimaha Soomaaliya ee la yiraahdo ICG, waxaana shirakasi lagu lafa guri doona arimo dhowr ah.
Related Posts
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
-
Prof.Gaandi oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo
~ News, Somali News
18 May, at 09 : 58 AM
-
Qarax Xoogan oo caawa ruxay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay “Faah Faahinta qaraxa”
~ News, Puntland News
16 May, at 18 : 29 PM
