Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta S/Land Oo Ku Guulaystay In Wiil Uu Dhalay Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab Uu Ka Soo Saaro Iyo Maamulka Puntland Oo La Sheegay Ka Caawiyeen Samata-Bixintiisa
Posted by By Dalweyn Media at 29 June, at 01 : 06 AM Print
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa la sheegay inuu ku guulaystay inuu kooxda Al-Shabaab ka soo saaro Wiil uu dhalay oo hore uga tirsanaa, isla markaana isaga oo Nabadqaba uu yimaado Caasimada labaad ee Hargeysa oo la sheegay inuu hada ku sugan yahay muddo todobaad ka yar.
Sida ilo wareedyo u dhuundaloola arimahaasi ay uu xaqiijiyeen Dalweyn media Imaatinka Wiilka uu Wasiir Khaliil dhalay ayaa intii aanu imanin in mudo ah laga sii shaqaynayey sidii looga soo saari lahaa Kooxda Al-Shabaab ee uu ka tirsanaa isaga oo Nabad qaba, waxaanu ilo wareedadu intaa ku dareen in Maamulka Puntland oo ay markii hore xidhiidh la sameeyeen Masuuliyiin xukuumadd Madaxwayne Siilaanyo ka tirsani ay keentay in si amni ah loo soo dhexmariyo dhulka Maamul goboleedka Puntland oo halkaas ay Saraakiil Sirdoonka siilanyo ka tirsani ugu tageen Magaalada Garoowe.
Masuul u dhuundaloola amuurta Wiilkaasi oo hada ay faraha ku hayaan Sirdoonka siilanyo oo ka cudur-daartay in Magaciisa la shaaciyo aya
mar uu uga waramay arimahaas, waxa uu si kooban u yidhi “Ilaa maalintii Aabihii Loo Magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Way Takooreen Al-Shabaab oo way ka shakiyeen, waxaanu in mudo ahTukaan ku haystay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, oo mudo dheer ayey ku qaadatay inuu ka soo baxo Xamar isaga oo Nabadqaba”.
Masuulkaasi isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray “Inuu Muqdisho ka soo Samato-baxo waxa doorka ugu wayn ka qaatay dawladda Puntland oo xidhiidh lala sameeyey, intii aanu imanina Wiilkan uu dhalay Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa imaatinkiisa ka sii wada hadlay Saraakiil sarsare oo ka mid ah Dawladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Bilayska iyo Taliyeyaasha Sirdoonka, kuwaas oo xidhiidh toos la sameeyey Maamulka Puntland oo gacan ku lahaa inuu si nabad ah u soo dhexmaro Wiilkaasi”.
Sidoo kale Mar aanu isku daynay inaanu arinta wax ka waydiino Masuuliyiinta dawladda siilanyo waxa ka jira wararkaas sheegaya in Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland uu kooxda Al-Shabaab dhawaan ka soo saaray Wiil uu dhalay oo hada la sheegay inuu Hargeysa ku sugan yahay, waxaananu isku daynay inaanu arimahaa wax ka waydiino Taliyaha Bilayska C/laahi Fadal Iimaan,oo aay isku arab yihiin waanay noo suurtoobi wayday ka dib markii Masuul Tilifoonadooda gacanta naga qaban waayeen.wiilka oo kamiid ahaa dhaliin yaro beesha araba oo ina goodane uu ka qortay hargaysaa
Dhinaca kale Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa mudooyinkii ugu danbeeyey ku socday dagaalo Jihooyin badan kaga socday oo hada Curyaamiyey Awoodoodii, kuwaas oo u dhaxeeyey iyaga iyo Ciidamada Amisom iyo kuwa TFG oo is kaashanaya, kuwaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku qaadayey dagaalo ay kula Muquuriyeen kooxda, isla markaana ay kagala wareegeen Fadhiisimadii mihiimka ahaa ee ay hore kooxda Al-Shabaab ku lahayd Koonfurta Soomaaliya.wixii warara kala soco wara bahiinta soomaaliyeed DALWEYN MEDIA HARGAYSA
Related Posts
-
Waallida Gawaadhi Wadista Khaliijka Oo Wax Aan Hore Loo Arag Soo Bandhigay
~ News, Puntland News
18 June, at 13 : 33 PM
-
Monaco oo Markale Ronaldo Dooneysa in ay ka Dhigto laacibka Ugu Qaalisan Aduunka
~ News, Puntland News
16 June, at 16 : 55 PM
-
Hooyada Dalka Ingariiska Ugu Gaaban Oo Wiilkeeda Sanadka Iyo Labada Jiray Ah Ka Dheeraday
~ News, Puntland News
16 June, at 16 : 11 PM
-
Askarta dowlada Soomaliya ee Baledweyne oo saanad hub ka helay dalka Jabuuti.
~ News, Puntland News
16 June, at 15 : 26 PM
-
Kala Carar ka jira Buurdhuubo iyo Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya Itoobiya oo udhaqaaqay
~ News, Puntland News
16 June, at 15 : 27 PM
