Deg Deg: Shaqaalo Ajaanib ah oo lagu afduubtay Dhadhaab, iyo Soomaali ladilay “Akhri Dalalka ay kasoo jeedaan Shaqaalaha ladilay”

Posted by By at 29 June, at 12 : 41 PM Print

Deg Deg: Shaqaalo Ajaanib ah oo lagu afduubtay Dhadhaab, iyo Soomaali ladilay “Akhri Dalalka ay kasoo jeedaan Shaqaalaha ladilay”

War deg deg ah oo haatan kusoo dhacaya WarqabadkaDALWEYN.com ee Xerada Dhadhaab ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay goordhow dil, Afduub iyo dhaawacba ka gaysteen xerada IFO2 oo kamid ah xerooyinka Dhadhaab.

Rag Hubaysan ayaa duhurnimadii maanta weerar xoogan ku qaaday goob ay kusugnaayeen shaqaalo ajaanib ah gudaha xerada IFO2 ee dalka Kenya.

Wararka waxaa ay tilmaamayaan in kooxdaas hubaysan ay dileen mid kamid ah darawaladii Hay’adaha samafalka halka labo kalana ay dhaawacmeen.

Sidoo kale Waxaa ay kooxdaas hubaysan afduubatay shaqaalo katirsan Hay’adaha Samafalka ee weerarka lagu qaaday.


Wararka waxaa ay sheegayaan in dadka la afduubtay ay yihiin shaqaalo ukala dhashay wadamada Philipin, Pakistan, Norwey iyo Canada.

Wariyaha DALWEYN MEDIA ee Dhadhaab ayaa soo sheegaya in shaqaalahaas ay labo haween yihiin labana rag yihiin.

Xaaladda Dhadhaab ayaa kacsan waxaana haatan howlgalo xoogan wada ciidamo katirsan kuwa amaanka Kenya.

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments