Hogaanka Xukuumada KMG oo sheegay in ciidamo hor leh imaanayaan muqdisho.
Posted by By admin at 28 June, at 11 : 01 AM Print
Ray’sul wasaaraha Xukuumada KMG ee soomaaliya mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu ka hadlay ciidamo dheeri ah oo ka socda qaar ka mid ah dalalka afrikaanka oo imaanayaa magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay iney horey ciidamo u balan qaadeen.
C/wali waxaa uu tilmaamay in ciidamada dheeriga ah ee maalmaha soo socda muqdisho imaanaya ay uga horeeyaan kuwo ka socda dalka jabuuti kuwaasi oo ka qeyb qaadanayaa howlgalka lagula dagaalamayo xarakada shabaab ee ka socda meelo badan oo ka mid ah dalka soomaaliya.
Isagoo hadalkisa sii wata ayaa mas’uulkan waxaa uu ku amaanay dowlada Jabuuti sida ay u garab taagan tahay walaalahooda soomaaliya xilli ciidamo ka socdo Dowlada jabuuti horey ay u gaareen magaalada Muqdisho kuwaasi oo qaar kooda ku sugan magaalooyinka Baladweyne iyo Muqdisho.
Waxaana ra’sul wasaaha ugu baaqay Dowlada kale ee horey ciidamada u balan qaaday iney si deg deh ah ciidamadood uga soo diraan dalka soomaaliya oo haatan dagaalo ay ka socdaan oo u dhaxeeya Dowlada KMG ee soomaaliya iyo kooxda shabaab oo kasoo hoejeeda jiritaanka dowlada.
Hadalkan kasoo baxay Hohaanka xukuumada KMG ee soomaaliya ayaa waxaa uu imaanayaa xili shalay madaxweynaha dalka Jabuuti oo uu sheegay in walaalahooda soomaaliya ay u dirayaan ciidamo kale oo dheeri ah si buu yiri jabuuti uga qeyb qadato amaanka soomaaliya.
Related Posts
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
-
Prof.Gaandi oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo
~ News, Somali News
18 May, at 09 : 58 AM
-
Qarax Xoogan oo caawa ruxay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay “Faah Faahinta qaraxa”
~ News, Puntland News
16 May, at 18 : 29 PM
