Buubaa: Uma muuqato in ay isfahmayaan dowlada Soomaaliya iyo Somaliland

Posted by By at 28 June, at 11 : 08 AM Print

Buubaa: Uma muuqato in ay isfahmayaan dowlada Soomaaliya iyo Somaliland

Iyadoo ay wadahadalo usocdaan dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa waxa arimahaas natiijo xumo ka ka sheegay  Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda dowlada Soomaaliya  Ismaaciil Hure Buubaa ayaa isago kusugan  magaaladda Nairobi waxaa uu sheegay in dhinacyada dowlada Soomaaliya iyo Somaliland ay kala wataan figrado aad ukala duwan oo xitaa ay adag tahay in la isku keeno.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in ay doonayso midnimada Soomaaaliya halka Somaliland-na ay iyadana doonayso in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Fikradaha labada dhinac iyo qorshaha ay kala wataan aad ayay ukala dheer yihiin taasna waxaa ay adkaynaysaa wadahadaladda”ayuu sheegay Buubaa.

Sidoo kale dowlada KMG ayuu sheegay in ay dano gaar ah ka ledahay wadahadaladda ay la wado Somaliland.

“Dowlada hada jirta waxaa ay rabtaa in ay sumcad iyo taageero ku kasbato wadahadaladda haatan socda si ay mar kale ugu soo laabato xilka’ayuu sheegay Buubaa.

Hadalkan kasoo baxay Mr Buubaa ayaa kusoo aadaua xili Wadahadaladii ugu horeeyay ay labada dhinac ku yeesheen London mar kalana ay ku kulmayaan dalka Imaaraadka.

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments