Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kasoo horjeestay Go’aankii Odayaasha Dhaqanka ee ahaa in la kordhiyo Kuraasta Baarlamaanka
Posted by By admin at 25 June, at 16 : 15 PM Print
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kasoo horjeestay go’aankii odayaasha dhaqanka ee ahaa in tirada xildhibaannada baarlamaanka la kordhiyo lana gaarsiiyo 275-xubnood halka markii hore la qoondeeyay in laga dhigo 225-xubnood.
Mudane C/weli Gaas ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho aysan awood u lahayn inay bedelaan tirada xubnaha baarlamaanka, laakiinse ay soo jeedin karaan oo keliya fikirkooda hoggaamineed.
“Waa in la caddeeyo, odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan waxay soo xuli karaan oo keliya xildhibaannada, balse awood uma lahan inay tirada kordhiyaan. Waxayse xaq u leeyihiin inay fikirka soo jeediyaan,” ayuu ra’iisul waasaaruhu yiri.
Hoggaamiyeyaasha dhaqanka oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay go’aan ku gaareen in tirada xildhibaannada baarlamaanka lagu kordhiyo 50-xubnood lagana dhigo 275-xubnood, iyagana ay noqdaan gole sare.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in baarlamaanka aan loo baahnayn in lagu kordhiyo tiro kale isagoo yiri. “Tirada kuraasta baarlamaanka looma baahna in la kordhiyo, sababtoo ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa dhowr jeer oo ay shireen waxay go’aamiyeen in tirada laga dhigo 225-xubnood.”
Baarlamaanka cusub ee soo socda ayaa waxaa lagu soo xulayaa nidaamka awood-qaybsiga DKMG ah ee 4.5-ka ah, wuxuuna bedeli doonaa baarlamaanka hadda jira oo ka kooban 550-xubnood.
Related Posts
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
