Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Guddiga Dastuurka iyo Madaxda DKMG

Posted by By at 25 June, at 16 : 27 PM Print

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Guddiga Dastuurka iyo Madaxda DKMG

Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay Madaxda Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Sameynta Qabyo Qoraalka Dastuurka, taasi oo salka ku heyso qodobo ka mid ah dastuurka cusub oo la isku hayo.

Wasaarada Dastuurka iyo Guddiga Dastuurta ayaa hadalo kulul isku dhaafsaday Saxaafada, taasi oo khilaafkooda cirka isku sii shareerisay.

Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka C/llaahi Xasan Jaamac ayaa sheegay in Madaxda Dowlada KMG ay u gudbiyeen Dastuurka Cusub, isla markaana ay Madaxda Dowlada ka hor imaadeen gudbintooda, soona dalbadeen in wax laga badalo qodobo ka mid ah Dastuurka.

C/llaahi Xasan wuxuu sheegay in Dastuurkan oo ay saxiixeen Madaxda Dowlada lagu wargeliyay inaan waxba laga bedeli karin, isagoo xusay in dalabka ka yimid Madaxda Dowlada uu kusoo beegmay xilli ay soo dhameystireen dastuurkii ay qoraalkiisa ay sanado soo wadeen.

Guddiga Dastuurka waxa ay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federalka ku eedeeyeen in ay Qorsheenayaan Dastuur ay iyagu wax ka badasheen in ay ku maamulaan shacabka, isla markaana ay kaasi ansax ka dhigaan.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowlada KMG ee Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil oo jawaab ka bixiyay hadalka kasoo yeeray Guddiga Dastuurka, ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka ay iyagu gacanta ku hayaan uu yahay mid ay saxiixeen Madaxda Dowlada isla markaana aan waxba kaga bedelnayn dastuurka ay gudiga Diyaariyeen.

C/raxmaan Xoosh Jabriil oo si aad ah ugu careysnaa hadalka ay Warbaahinta siiyeen Guddiga Madaxda Banaan ee Dastuurka dalka ayaa waxa uu sheegay in Guddigaan waqtigooda dhamaaday isla markaana aysan xaq u laheyn in ay ka hadlaan Arrimaha Dastuurka.

“Gudigan waqtigooda waa dhamaaday, waxaana loo baahan yahay inay faraha kala baxaan Arrimaha Dastuurka” ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Murankan ayaa wuxuu sabab u noqon karaa isqab qabsi cusub oo dastuurka ku saabsan, iyadoo Dowlada Somalia ay doonayso in dastuurka ay wadato la meel-mariyo, taasoo Guddiga ku sheegeen in qodobo badan uu ka qaldan yahay.

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments