Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Murashaxiinta sii badanaya ee ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo
Posted by By admin at 24 June, at 16 : 43 PM Print
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay murashaxiinta fara badan ee isku soo taagaya ka qaybgalka doorashooyinka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inay farxad u tahay in Muqdisho la isugu yimaado si loogu tartamayo xilka madaxnimo ee dalka, wuxuuna sheegay inay isaga farxad u tahay in lagula tartamo xilka uu hadda hayo.
“Waa mid lagu farxo in Muqdisho la isugu yimaado oo loogu tartamo siyaasad lagana leexdo wax duminta iyo dhibaateynta,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay inuu jeclaan lahaa in tartanka uu noqdo mid nadiif ah oo muujinaya barnaamij siyaasadeed iyo waxqabad aan cidna dhibaateynayn.
Masdaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in markii uu Jabuuti joogay fikirkii uu ka haystay madaxnimada Soomaaliya iyo hadda ay aad u kala fog yihiin, isagoo xusay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad caadi ah, balse lala tacaamulayo dal burbursan, dhaqaale la’aan, hay’ado badan oo aan awood u lahayn in wixii laga doonayay ay qabtaan iyo dad Soomaaliyeed oo dhibaato kala gaartay.
“Soomaalida waxaad mooddaa inay u qaateen in siyaasaddu ay ka billlaabanayso madaxweyne oo qofkii aan madaxweyne noqon uusan waxba qaban, haddana waa wanaagsan tahay in la tartamo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dalkan uu u baahan yahay in wax badan laga qabto, isagoo sheegay in dastuurka la meel-mariyo uu u baahan doono wax ka bedel inta laga gaarayo in afti qaran loo qaado.
Murashaxiinta isku soo sharraxay ka qaybgalka doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa sare u sii kordhay iyadoo hadda ay tiradooda ku dhow-dahay 10-ruux, ayna jiraan kuwo kale oo doonaya inay murashaxnimadooda ku dhawaaqaan.
Related Posts
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
-
Prof.Gaandi oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo
~ News, Somali News
18 May, at 09 : 58 AM
-
Qarax Xoogan oo caawa ruxay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay “Faah Faahinta qaraxa”
~ News, Puntland News
16 May, at 18 : 29 PM
-
Mid ka mid ah ergadii shirweynaha Jubbaland oo Kismaayo lagu diley
~ News, Somali News
16 May, at 16 : 33 PM
-
Cabdi Maxamed Cumar Juba-land Dhiiganaga Ayaan U Huraynaa”
~ News, Puntland News
16 May, at 16 : 49 PM
