Sh Roobow Abuu Mansuur oo ku jees jeesay Mareykanka una sheegay halka uu kusugan yahay

Posted by By at 23 June, at 13 : 19 PM Print

Sh Roobow Abuu Mansuur oo ku jees jeesay Mareykanka una sheegay halka uu kusugan yahay

Mid kamid ah Hogamiyaasha Shabaab ee dhawaan Mareykanka uu dul dhigay lacago badan sidii loo soo qaban lahaa ayaa kahadlay lacagaas la dul dhigay.

Sh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah Hogaaamiye kasoo jeeda goboladda Bay iyo Bakool ayaa ujawaabay dowlada Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in Mareykanka uu yahay cadowga umadda Muslimiinta isagana uusan marnaba ka 

“Warka gaalada ay sheegeen runtii anaga noolama jeedaan waxay duris iyo ihaano  ku tahay shacabka somaaliyeed ee muslimiinta ah bal kawarama haddii lagu yiraahdo Jawaan lacag ayaan ku siinayaa Ee wiilkaaga soo dil soo ninkaasi kuma ihaaneysan”.ayuu sheegay Abuu Mansuur.

Hogaamiyahan ayaa Mareykanka usheegay in uusan waxba ka qaadi karin Muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliya sida uu hadalka udhigay.

“waxaan ku suganahay masjidka magaalada Buurhakaba Jimcihii hore waxaan ku sugnaay Tiyeeglow waana Allaah mahadii wilaayo ka wilaayo ayaan amaan ku maraa”.

Mareykanka ayaa hogaamiyaasha Shabaab dul dhigay lacag dhan 33 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

English News Somali News

Related Posts

Post Your Comments