Dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho iyo mid kamid ah Saraakiisha sar sare ee ciidamada dowlada oo ku dhintay

Posted by By at 22 June, at 14 : 48 PM Print

Dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho iyo mid kamid ah Saraakiisha sar sare ee ciidamada dowlada oo ku dhintay

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan oo udhaxeeya ciidamada dowlada KMG oo kaashanaya Amisom iyo kuwa kuwa Shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil ciidanka.

Wararka waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhinteen ilaa 6 ruux oo ubadan ciidamada dowlada KMG, Waxaana jira warar sheegaya in mid kamid ah Taliyaasha ciidamada dowlada lagu dilay dagaalka.

Taliyaha Ciidamada dowladda ee deegaanka Ceelasha Biyaha oo lagu magacaabo Afrax Cali Afrax ayaa la sheegay in uu kamid ahaa dadkii ku dhintay dagaalkan xoogan ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Sargaal katirsan Shabaab ayaa sheegay in ay gubeen labo gaari oo ay ciidamada Militeriga saarnaayeen sidoo kalana ay dileen mid kamid ah taliyaasha sar sare ee ciidamada dowlada.

Dagaalka maanta ayaa saamayn ku yeeshay isi socodka dadka iyo gaadiidka inta udhaxaysa Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Shalay ayay ahayd markii dagaal khasaaro gaystay ay ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Burundi iyo Shabaab uu ku dhexmaray duleedka Muqdisho iyadoo dagaaladaasna ay labada dhinac guulo ka sheegteen.

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments