Puntland iyo DDS Itoobiya oo heshiis rasmi ah kala Saxiixday iyo wefdigii Puntland oo ka dhoofay Jigjiga (Daawo Video)

Posted by By at 20 June, at 01 : 27 AM Print

Puntland iyo DDS Itoobiya oo heshiis rasmi ah kala Saxiixday iyo wefdigii Puntland oo ka dhoofay Jigjiga (Daawo Video)
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku sugnaa Caasumadda Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya wafdi heersare ah oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Dawladda Puntland kana mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Waxbarashada Puntland. Kadib booqasho uu wafdigu ku tagay xarumaha arrimaha Bulshada sida Jaamacadaha iyo Hospital da ku yaala Caasumadda Jigjiga ayaa waxaa Madaxweyne Faroole iyo dhiggiisa Dawlad Deegaanka Somalida Cabdi Maxamuud Cumar waxay kala saxiixdeen heshiid ka koobnaa qodobo muhiim ah oo ay ku jiraan:

  • Isusoo cellinta Dambiilayaasha u baxsada Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo Puntland
  • Xoojinta Nidaamka Canshuuraha Xuduudaha
  • Sharci waafajinta nidaamka isusucodka Dadka iyo Gaadiidka
  • iska taageeridda dhinacyada hormarinta bulshada sida waxbarashada

Sidoo kale, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalidu wuxuu si farxad leh casumaad ugu fidiyey Boqorada iyo odayaasha dhaqanka reer Puntland inay yimaadaan Dawlad deegaanka Soomaalida, ayna tusi doonaan dhamaan goobaha taariikhiga ah ee dalka, iyo si ay uga marqaati furaan hormarka uu gaaray Dawlad Deegaanka Soomalidu. Daawo Video ga:

Print Friendly

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments