Saxiixayaasha Road Map-ka oo ku kulamaya Nairobi iyo qodobo wali la isku hayo

Posted by By at 19 June, at 12 : 39 PM Print

Saxiixayaasha Road Map-ka oo ku kulamaya Nairobi iyo qodobo wali la isku hayo

Waxaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya arbacada beri ah ka furmi doona kulan ay isugu imaanayaan dowlada Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira qaarkood.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Ra’isul Wasaare Gaas, Gudoomiyaha barlamaanka, Madaxda Galmudug iyo Puntland, Ahlu Sunna Waljamaaca, QM iyo wafuud kale oo caalami ah ayaa ka qeyb galaya kulankan.

Warar la helay waxaa ay sheegayaan in kulankan ay soo da’ dajisay kadib markii saxiixayaasha Road Map-ka ay isku afgaran waayeen qodobadii kasoo baxay shirkii Adis Ababa.

Xog aan helnay waxaa ay sheegaysaa in madaxweynaha maamulka Puntland C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole uu ku kalsoonaan waayay in ay run tahay in xiliga dowlada ay ku egtahay bisha August.

Wararka waxaa ay tilmaamayaan in maadaama aan wali lafulin qodobadii Adis Ababa ay la micno tahay in AUgust aysan dhici karin doorasho.

Arimo ku jira dastuurka qabyada ah ayaa qeyb ka ah qodobada la isku hayo sida aynu wararka ku helayno.

Masuuliyiinta QM iyo beesha caalamka ee kulanka goob jooga ka noqon doonta ayaa soo jeedin doonta qodobo hor leh oo ka gadisan kuwii Adis Ababa sida aan wararka ku helnay.

Wararkii kusoo Kordha dib kala soco Insha DALWEYN MEDIA.com

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments