WASIIR CADAMI OO LA FILAYO IN SHAQADIISII WASIIRKA DIFAACA UU WAAYO, HADALLO SOOMAALIDIIDKA U CUNTAMI WAYEY KA DIB DAGALKII TUKARAQ
Posted by By Dalweyn Media at 18 June, at 00 : 53 AM Print
Wasiirka Difaaca Maammulka la magac baxay Somaliland hadalkasoo yeray ayaa ka cadhaysiiyey dadkii madasha isugu yimid oo iyagu ka sugayey wasiirka inuu u sheego riwaayaddii 20-ka sano loo sheegayey ee ahayd ‘xadka ayaan soo xidhaynaa, iyo Yoocada ayaan tegeynaa.’ Dagaalkii Tukaraq ayaa dadka wax ma kasta ah ee Hargeysa kusugan moodayeen inuu yahay dagaal loogu tala galay in xad beenaadkii lagu gaadhayo, laakiin riyadaas ayaa noqotay mid marqaankeedii ku sii soo socota, ka dib markii wasiir cadami yiri, “Tukaraq waxan u tagnay arrimo ciidan,…ma jirto meel Somaliland ku heshiisey inay dhulkeeda ka maqan soo qabsato ama soo dhacsato.” Arrintan iyo arrimo horreeyey oo ay ka mid ahaayeen dhacdadii weerarkii Laasqoray lagu qaaday bisha June 1, 2012, ayaa Cadami u muujinaysa in shacabka Soomaalidiidku rabaan in laga takhaluso, maaddaaba uu shaqadiisii gudan waayey.
Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo horay gefaf uga galay degaanka Sanaag oo uu ka soo jeedo, dhacdadii Laasqoray ka dib, ayaa muddaba ku mashquulsana sidii uu isu sixi lahaa, hadalladiisii ugu dambeeyey si wanaagsan oo ka duwan dhacdhacii hore, ayuu u hadlay. Hase ahaatee, arrintan Tukaraq ayaa waxay ku sii kicisay mawjad cusub oo Soomaalidiidku rabaan inay ku khaarajiyaan wasiirka.
Waxa la filayey in lagu daro Mudane Cadami wefdiga Soomaaliland ee London u boqoolay si ay ula fadhiistaan wefdiga Dawladda Kumeelgaarka ah Soomaaliya, oo Ingiriis iyo waddammo kale oo reer Yurub ahi wada hadalsiinayaan. Ka reebidda laga reebay wefdigaas Cadami, waxay ka markhaanti kacaysaan, sida muuqata ee Cadami iyo Soomaalidiidka marya dhiigle u kala furan doonaan maalin dhow.
Related Posts
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
