Ha Idhihin Waan Kujeclahay ee Iskuday Inaan dareemo
Posted by By Dalweyn Media at 18 June, at 00 : 47 AM Print
Qodobodeenii Jaceylka Ahaa Aad Nooga Barateen Isbuuciiba Mar Inaan Hawada Idiin Soo Marino Maantay Kaga Bogo Halkan.
1: Qalbigeyga waan kusiiyay, Adne qalbigaga ma isiineysaa. si aan quful adag usaarno furahana badweynta ugu tuurno si weligeyn qalbiyadeena isugu xernaadeen.
2: Nina maguursanin ilaa u kagaaro inuu fahmi karo xaaskisa waxey tabeyso inteysan dibnaheeda soo dhaafin.
3: Weligaa madareemeysid farxada dhabta ah ilaa aad kahesho jeceylka dhabta ah, Weligaa madareemeysid xanuun jaceyl midka dunida ugu daran ila aad lumiso jeceylkaga.
4:malaga yaabo in dabka qabow isku badalo barafkuna dab isku badalo anigana malaga yaabo jaceylkan ku qabo inuu naceyb isu badalo.
5: Dhimbil dab ah baa wadnaheyga saaran waxad kukarsaneysaa magaca Jaceyl xaraf xaraf ayu ugu dul milmi haayaa wadnaheyga.
6: Qalbi waxad ibartay magaca jaceyl magaca nolol wax walbo ayad ibartay marna kama ahan karo bogeyga ku furan inan si adag kugu dhuujiyo laabteyda ayan rabaa.
7: Qalbigeyga dhinac ayuu kadilaacay kadib markuu tan buuxiyay jeceylkaaga kutalo gal inaad tosho qeybtas waayo wadnuhu shaqeynta inuu joojiyo ayuu kudhawyahay.
8: Markan Kuxususto saqdhex ayaan soo kacaa bisha oo buuxdo eega dhexdeda calemaha kuyaal anago wada jogna arkaa ogow Allihi nakala fogeyay hadana wan neysku Ken so celin karaa marwaliba dardarenkeygu wa alle caabud iyo samirkoo kaashanaa.
9: Ha idhihin waan kujeclahay keliya iskuday inaan dareemo.
10: Waan Ku amaahinayaa nafteyda adne i amaahi garabkaaga si aan ugu dul ooyo. Wan ku amaahinaya dhagaheyga adne i amaahi dhagahaga si ay idhageystaan mar weliba. Balse wadnaheyga kuma amaahin karo waayo mar hore ayaad lahaatay weligaana adigaa lahaanayo.
W/Q Ibrahim Ali Abdi (kalafoge)
Lovewithpromise143@hotmail.com
Related Posts
-
Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
~ News, Somali News
23 May, at 12 : 03 PM
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
