Ganacsade xukumada Silaanyo ku xanibtay madaarka berbera aargoosi siyaasadeed dartii
Posted by By Dalweyn Media at 18 June, at 14 : 38 PM Print
Yasiin Saleeban Maxamed Nuur oo ah muwaadin qurbojooga iyo ganacsade ka soo jeeda degaanka Ceerigaabo ayaa saaka markuu ka soo degay madaarka Berbera xukumadu Siilanyo ka xayirtay dokumentiskiisii socdaalka amaba ka qaadey baasboorkiisii ka dib markii uu dhamaystay boroseeskii ama hanaankii iyo adeegyadii sharciga ahaa dadka soo degaa maraan.hase yeeshee markuu ka faaruqey madaarka gudihiisa,una diyaargaroobey inuu fuulo gaadhigii u qaadi lahaa magaalada Ceerigaabo oo uu ku sii jeeday ayaa ciidanka socdaalka madaarku ka dabayimaadeen keena qaadeen basaboorkiisii .
Yaasiin oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan madaarka Berbera gudihiisa markii laga qaadey baasaboorka, weydiinayna sababta uu u malaynaayo in looga xanibay basaboorkiisa ayaa noo sheegay in taliyaha socdaalka madaarka Berbera u sheegay in amarka dusha sare laga soo faray oo taliyaha socdaalka Somaliland soo faray balse warar aanu ka hela y ilo wareedyo kale oo hawlahan u dhuun daloola ayaa noo sheegay in wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maaxamed caraale Duur amarkan ku lug leeyahay.Tu kale xogo aanu helay ayaa noo xaqiijiyey in xukumada Siilaanyo si badheedh u bartilmaamedsatey Ganacsade Yaasiin Saleebaan Maxamed Nuur, warkiisana haysay waqtiguu soo degaayo .
Yaasiin ayaa sababta cadaadiska iyo baadhista badan u gelisay xukumada Siilaanyo,ugana xanibay baasboorkiisa madaarka Berbera oo uu ilaa hadda ku xayiran yahay loo sibirsaarinaya aargoosi xukumada Siilaanyo kaga aargoosanayso Yaasiin oo ay aaminsan tahay ama ku tuhunsan tahay inuu gacanweyn oo dhaqaale ku leeyahay amaba gadhwadeen ka yahayhirweynaha beelweynta Habaryoonis ee ka dhici doona degaanka Daallo 29-ka June 2012-ka balse aaney jirn wax kale oo shaki ama tuhuna.
Dhinac kale yaasiin ayaa xili uu hogaaminaayey ergo ka socotey gudiga qabanqaabada shirka Ceerigaabo oo hawl u timi magaalada Ha rgeysa ayaa markay dhamaysteen hawshoodii wasiirka arimaha gudaha Duur iyo ciidankiisu jidgooyo u galeen xabsigana u taxaabeen balse la sii daayey iyadaan wax raaligelin iyo garawshiiyo toona la siin, ku darsoo Yaasiin oo muddo laba todobaad ka hor ka dhoofay madaarka Berbera ayaa muddo ku dhaw laba saacadood madaarka gudihisa lagu xanibay iyadoo xukumadu wax sabab ah oo cad oo ay ku xanibtay iyo raaligelin midna siin balse sidaas si la mid ah ay kaga aargoosanaysay shirkan uu gadhwadeenka ka yahay oo ay xukumada Siilaanyo sas weyn ka qabto .
Isku soo wada duuboo Yaasiin oo degan wadanka UK ayaa hadda ka soo kicitimay magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska kuna sii jeeday Magaalada Ceerigaabo oo uu door mihiima iyo kaalin mihiima ku leeyahay shirka beesha Habaryoonis halkaas ku qabsanayso.waxaa iyana xusid mudan in Yaasiin ayaa gudoomiyihii shirweynihii beelaha Habaryooonis bari kal hore ku qabsadeen degaanka Ceel Afweyn kaas oo ay kaga ari nsanayeen dahooda iyo masiirkooda kuna dhamaadey guul iyo barwaaqo.
Related Posts
-
Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
~ News, Somali News
23 May, at 12 : 03 PM
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
