Dilalka loo geysanayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika oo si aad ah u soo kordhaya
Posted by By admin at 18 June, at 13 : 24 PM Print
Waxaa uga curtay dalka Koonfurta Afrika dilalka loo geysanayo Soomaalida ku noo dalkaas iyadoo toddobaadkan oo keliya lagu dilay dalkaas 14-qof, waxaana la isku raacay in dadkaas laga tooganayay laba meelood oo kala ah wadnaha iyo madaxa oo ah meelaha ugu halista badan jirka aadanaha.
Dilkii u dambeeyay waxaa lagu qaarijiyay Allaha u naxariistee, Maxamed Barre Maxamud oo da’diisa ahayd 25-jir, waxayna xabaddu ka haleeshay wadnaha xiligii la dilayna wuxuu joogay dukaankiisa. Ganacsadahan ayaa markii ay xabbadu ku dhacday lug ku tagay dukaan ku dhegenaa kiisa halkaasoo looga qaaday gaari lagu geeyay isbitaalka Day-Hospital oo uu ku geeriyooday.
Maalintii Sabtida ahayd ayaa la aasay laba muwaadin oo lagu dilay deegaanka Philipi oo aan sidaa ugu sii fogeyn halka lagu dilay marxuum, Barre waxayna dhanka waqooyi kaga beegan tahay magaalada Cape Town.
Sidoo kale; wararka naga soo gaaraya gobolka North West ee isla dalka Koonfurta Afrika ayaa sheegay in xalay lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo, Maxamed Maxamud Axmed oo da’diisa ahayd 22-jir ; waxaana lagu dhuftey lix xabadood mana jirto wax laga qaatay dukaankiisa, waxaana arrintaas saxaafada u xaqiijiyay guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida gobolka North West, C/raxmaan Ukun.
Afhayeen u hadlay booliiska dalka Koonfurta Afrika oo lagu magacaabo, Milkayi Makaleli ayaa sheegay in maalmahan ay soo badanayaan dilalka loo geysanayo Soomaalida; isagoo intaas ku daray inay wax ka qabanayaan dhibaatada lagu haayo Soomalida ganacsiyada ku heysta magaalooyinka Koonfur Afrika.
Ma jirto illaa hadda cid loo qabtay dilalka aan kala go’a lahayn ee loo geysanayo dadka Soomaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika; iyadoo arrintan ay soo xasuusinayso Soomaalida dalkaas ku nool, dilalkii dhacay sannadihii 2005 iyo 2006 iyadoo maalin walba la aasi jiray laba ama saddex Soomaali ah oo lagu dilay goobahooda ganacsi iyadoo aan wax hanti ahna laga qaadan.
Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta Afrika (SOJASA) oo hormuud ka ah u doodayaasha xoriyatul qowlka ama hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta ayaa qorsheynaya in arrintani lagu baahiyo saxaafadda Koonfur Afrika kuwooda ugu afka-dheer si loo muujiyo dhibaatada lagu haayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.
Related Posts
-
Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
~ News, Somali News
23 May, at 12 : 03 PM
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
