Gen C/Samad Cali Shire oo ka hadlay Dagaalo ka dhan ah Somaliland,Alshabaab iyo Burcad badeeda.
Posted by By Dalweyn Media at 17 June, at 14 : 53 PM Print
Gen.C/Samad Cali Shire Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa markale sheegay in dagaalyahano ka tirsan Alshabaab inay kusii qulqulayan deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo.
Waxaana uu hadalkaan sheegay isaga oo khudbad ka hor jeedinaayey Baarlamaanka Puntland,waxaana uu sheegay un dagaal yahanadaasi isku urursanayaan buuraha Golis ee Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in Alshabaab Sanadkii 2010 dagaal la galeen ayna ka saareen Buuraha Sil-silada ee Golis,laakiin iminka ay bilaabeen Alshabaab inay kusoo laabtaan Puntland si buu yiri ay ugu biiraan Alqaacida Dalka Yemen.
Sababta ku kaliftay in Alshabaab ugu soo laabtaan Puntland ayuu madaxweynaha ku sheegay inay ugu wacan tahay dhibaatooyin Shabaab kasoo wajahay Koofurta Soomaaliya,islamarkaana doonayaan inay carqaladeeyaan amaanka Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Gen Cabdisamad ayaa ugu baaqay Xubnaha Baarlamaanka,xukuumada iyo shacabka inay ka qeyb qaataan iska gacan siinta la dagaalanka Alshabaab-ka ku sugan Puntland.
Dhanka kale wuxuu sheegay madaxweyne ku xigeenka in sida ugu dhaqsiyada badan usoo ceshan doonaan deegaanada Somaliland ka heysato maamulka Puntland,ka dib markii uu ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Sool.
Arrimaha kale ee uu ka hadlay Gen C/samed Cali Shire waxaa kamid ah dagaalka ay Puntland kula jirto Burcadbadeedda waxaana uu sheegay in ay guul la tabaan karo ka gaareen dagaalkaasi, isaga oo tilmaamay in ay guud ahaanba Puntland ka saareen Burcadda badaha.
ALshabaab ayaa horay u sheegay inay ku sugan yihiin buuraha Golis ee maamulka Puntland.
Related Posts
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
-
Prof.Gaandi oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo
~ News, Somali News
18 May, at 09 : 58 AM
-
Qarax Xoogan oo caawa ruxay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay “Faah Faahinta qaraxa”
~ News, Puntland News
16 May, at 18 : 29 PM
