Faah faahin” Qarax xoogan oo ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaaladda Beledweyne

Posted by By at 14 June, at 12 : 12 PM Print

Faah faahin” Qarax xoogan oo ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaaladda Beledweyne

Dalweyn media Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ciidamada Itoobiya saakay lagula eegtay gudaha Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida ay Wararka sheegayaan qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday ciidamada Itoobiya oo marayay bartamaha magaaladda iyadoo khasaaro uu kasoo gaaray qaraxaas.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ku dhawaad 3 askari oo Itoobiyaan ah ay geeriyoodeen ilaa 5 kalana dhaawc uu kasoo gaaray qaraxa.

“Qaraxa waxaa uu ahaa bambo dhulka loogu aasay ciidamada Itoobiya mid kamid ah gaadiidkii ay la socdeen ayaa qarxay, waxaana la rakayay dhimasho iyo dhaawac’ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo lahadlay Warqaad.com

Waxaa jira rasaas xoogan oo laga maqlayay gudaha magaaladda kadib qaraxa iyadoona rasaastaas ay ridayeen ciidamada dowlada Itoobiya ee qaraxa lala eegtay.

Lama Oga qasaaraha rasmiga ah ee kadhashay rasaasta ay rideen ciidamada Itoobiya oo caadiyan shacabka iska laaya marka weerar iyaga lagu soo qaado.

Saraakiisha dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in xaalada magaalada ay degan tahay isla markaana qaraxaas uu ahaa mid ay ka daneeyeen kooxo uu ku sheegay nabad diid.

“Qaraxa dhulka ayaa lagu aasay waxaana ka danbeeyay kooxo nabad diid ah waxaaa lagu dhibaataynayay shacabka’ayuu yiri Max’ed Ibraahim oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaas inkastoo Shabaab ay yihiin koox la rumaysan yahay in ay soo abaabushay, waxaana qaraxaas uu kusoo aadayaa xili waayadan amaanka degmada uu wanaagsanaa.

English News Somali News

Related Posts

Post Your Comments