Golaha wasiirada soomaaliya oo kulan deg deg ah maanta yeeshay.
Posted by By admin at 11 June, at 14 : 33 PM Print
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, warbixin arrimaha amniga, Dhameystirka Qorshaha Roadmap-ka iyo Siyaasadda Dowladda ee maamul u sameynta goobaha laga xorreeyey kooxaha Al-Shabaab.
Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey safari uu ku tagey Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Turkiga. Waxuu sheegay in shirkii Addis Ababa ee saxiixayaasha uu ku soo dhamaaday guul oo ay ka soo baxeen heshiiskii Addis Ababa oo leh jadwal lagu soo afjarayo xilliga KMG ah iyo in dastuurka lagu daray tallooyinkii saxiixayaasha ay soo jeediyeen.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay inuu booqasho rasmi ah oo uu ku tegey Djibouti si fiican loogu soo dhoweeyey isla markaana uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Djibouti kala hadlay qorshaha dhameystirka Roadmap-ka oo uu sheegay in Dowladda Dalka jibiouti ay muhiim u tahay nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu kaloo sheegay in uu Nairobi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Kenya oo ay ka wada hadleen howlgaladda ka socda gobollada jubbooyinka iyo soo afjaridda xilliga KMG ah, waxuuna sheegay in Kenya ay muujisay sida ay uga go’antahay inay kaalin fiican ka qaadato soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey safarkii Turkiga iyo shirkii Istanbuul 2 oo uu sheegay in 30kii May uu kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen shirka Istanbuul 2, howlaha baaxadda leh ee Turkigu ka wadaan Soomaaliya iyo maalgashiga mashaariic lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in shirkii Istanbuul uu aad iyo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya oo la isku raacay in la furo sanduuq dhaqaale oo loo sameeyo Soomaaliya oo dhanka dib’u dhiska dalka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale golaha siiyey warbixin la xiriirta wafdi heer sare ah ee dalka Mareykanka oo shalay soo gaaray Muqdisho oo uu hoggaaminayey Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Mr Johnnie Carson. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay Dowladda ku ammaantay hormarka baaxadda leh ee laga sameeyey amniga iyo dhameystirka Roadmapka, uguna baaqeen Soomaalida inay sii labo jibaaraan sidii loo soo afjari lahaa xilliga KMG ah bisha August 2012. Mareykanku waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii labo laabaan kaalmada shacabka Soomaaliyeed.
Related Posts
-
Waallida Gawaadhi Wadista Khaliijka Oo Wax Aan Hore Loo Arag Soo Bandhigay
~ News, Puntland News
18 June, at 13 : 33 PM
-
Monaco oo Markale Ronaldo Dooneysa in ay ka Dhigto laacibka Ugu Qaalisan Aduunka
~ News, Puntland News
16 June, at 16 : 55 PM
-
Hooyada Dalka Ingariiska Ugu Gaaban Oo Wiilkeeda Sanadka Iyo Labada Jiray Ah Ka Dheeraday
~ News, Puntland News
16 June, at 16 : 11 PM
-
Askarta dowlada Soomaliya ee Baledweyne oo saanad hub ka helay dalka Jabuuti.
~ News, Puntland News
16 June, at 15 : 26 PM
-
Kala Carar ka jira Buurdhuubo iyo Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya Itoobiya oo udhaqaaqay
~ News, Puntland News
16 June, at 15 : 27 PM
