Faroole oo sheegay in marka la Ansixiyo dastuurka Puntland uu xiggi doono kan dalka Soomaaliya
Posted by By admin at 16 April, at 18 : 56 PM Print
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo nidaamka KMG ee xiligan lagu jiro.
C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka gudubto arrimaha KMG Soomaaliya islamarkaana ay yeelato dastuur iyo nidaam.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/ raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa sheegay isaga oo ka hadlayay shirkii furitaanka arrimaha Dastuurka ee Maamulka Puntland waxa uu ka dhawaajiyay in marka la ansixiyo Dastuurka maamulka Puntland uu ku xigi doono midka dowladda KMG Soomaaliya.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa wuxuu sheegay Soomaaliya in la kala jaro in aan loo dul qaadan karin islamarkaana midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah sida uu sheegay.
Waxa uu tilmaamay C/raxmaan Faroole in dadka Soomaalida ah ay is ay dagaalaan laakiin aan loo baahneyn sida uu carabaabay in dhulka faraha lala soo galo isaga oo intaa raaciyay in ay wanaagsna tahay in la heshiiyo cidii is qabatana looga baahan yahay in wada hadal ay wax ku dhameeyaan.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxa uu kusoo aadaya xili Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland uu kasocdo shir lagu ansixinayo Dastuurka Puntland kaasi oo soo gaba gaboobaya 18-ka bishan.
Related Posts
-
Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
~ News, Somali News
23 May, at 12 : 03 PM
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
