India oo ka carootay xarig Mareykanka loogu geystay jilaaga caanka ah ee Shah Ruukh Khan

Posted by By at 14 April, at 00 : 59 AM Print

India oo ka carootay xarig Mareykanka loogu geystay jilaaga caanka ah ee Shah Ruukh Khan

Dowlada India ayaa si caro leh uga jawaabtay xarig garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee New York loogu geystay atooraha caanka ah Bollywood Shah Rukh Khan.

Wasiirka arrimaha gudaha India SM Krishna ayaa ku cambaareeyey dowlada Mareykanka arintaasi, isaga oo tilmaamay in aysan sii socon doonin siyaasada ah in dadka kasoo jeedo India ay qabtaan hadana raali gelin ka bixiyaan.

Jilaagaan taageerada weyn ku leh India iyo caalamka intiisa kale isla markaana ah nin heysto Diinta Islaamka ayaa ku tagay garoonka diyaarad qaas ah isaga oo kusii jeedya jaamacada Yale University halkaas oo uu shaqo kasoo qaban rabay.

Wali ma cada sababta loo xiray hase yeeshee warbaahinta India ayaa sheegeyso in loo maleynayo arimo la xiriira magaciisa oo Muslim ah, waxaana arrintaasi adkeynaya xarig sidaan oo kale Mareykanka loogu xayiray mudo saacada ah taasi oo marki la sii daayey uu sababta ku micneeyey in loo beegsanayo islaamnimadiisa darteed.

Waaxda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Mareykanka ayaa marki danbe sheegtay in ay ka xuntahay dhacdadi lagu xayiray Shahruukh Khan mudo sacaad ah iyada oo raali gelin ka bixisay.

Afhayeen u hadlay Safaarada Mareykanka ee magaalada Delhi , Peter Vrooman ayaa sidoo kale raali gelin ka bixiyey xariga iyo dib u dhaca loo geystay xidigaan.

Sanadki 2009, sidaan oo kale ayaa garoonka Newark airport loogu xiray balse marki danbe ayaa la sii daayey ka dib marki ay arinta soo fara gelisay safaarada India ay ku leedahay Mareykanka.

Qudbad uu u jeediyey ardayda Jaamacada Yale University ee magaalada New York ayuu Sharukh Khan ku sheegay in la istaajiyey kadibna su,aalooyin lagu weydiiyey garoonka diyaaradaha, hase yeeshee Mr. Khan dhacdadan marki uu ka hadlayey si kaftan ah ayuu uga baxay.

“Mar alla iyo marki aan kibir dareemo waxana soo aadaa Mareykanka, markaasi shaqaalaha jooga waaxda soo galowga ayaa xidiga ka saara xidignimada, mar walba oo ay su,aalooyin i weydiyaan waaxda immigration-ka oo ay i dhahaan waa imisa dhererkaada, waxaan badanaa ugu jawaabaa waxaan ahay 5 fiit iyo 10 farood (Inch), marka xiga hadii ay i weydiyaan wax yaab leh ayaan u sheegi doonaa, tusaale ahaan hadii ay i dhahaan midibkaada muxuu yahay waxaan ugu jawaabi doonaa aniga waxaan ahay nin cadaan ah,” ayuu yiri isaga oo ka qosliyey dhamaan ardaydi uu u qudbeynayey.

Khan ayaa kasoo muuqday in ka nadan 70 filim oo Hindi ah, waxaana loo aqoon saday jiilaga duuniida

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments