118-qaxooti Soomaali ah kasoo cararay dalka Yemen oo soo gaaray Bosaaso

Posted by By at 13 April, at 16 : 48 PM Print

118-qaxooti Soomaali ah kasoo cararay dalka Yemen oo soo gaaray Bosaaso

Labo doonyood ayaa shalay dekadda magaalada Bosaaso qaxooti Soomaaliyeed oo markii magan galyo u raadsaday dalka Yemen balse dib uga soo cararay markii ay bilawdeen rabshadaha looga soo horjeeda Dowladdi Madaxweyne Cali Cabdalle Saalax.

Qaxootiga oo isku jira Rag dhalinyaro ah,Dumar iyo Caruur da’a yar ayaa tiradoodu gaaraysa 118-qof,waxayna kasoo jeedaan gobolada Koonfureed ee dalka.
Masuuliyinta Puntland iyo Saraakiisha Booliska ayaa maanta Saxaafadda ugu soo bandhigay gudaha dekadda Bosaaso iyadoo ay ka muuqatay daal iyo dhiif.

Qaar kamid ah dadkaan oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in ay sababo amaan uga soo carareen dalka Yemen isla markaana aysan kusii noolan Karin dalkaas ayna go’aansadeen in dalkoodi Hooyo kusoo laabtaan.
Wasiirka Dekaddaha iyo gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in ay si wanaagsan u qaabileen qaxootiga ayna ka bixinayaan qarashaadka gawaarida qaadaysa kuna celinaaya Koonfurta Soomaaliya.

Ma ahaan markii u horeysay qaxooti Soomaali ah kasoo cararay dalka Yemen ay soo gaaraan magaalada Bosaaso.
Rabshadaha Yemen oo bilowday sanadkii hore ayay ku kaliftay Arday iyo dad si caadi ah ugu noola dalkaas oo Soomaali ay isaga cararaan,waxaana intii ay socdeen ku dhintay muwaadinin Soomaaliyeed.

Dalweyn.com
Bosaso Puntland

News

Related Posts

Post Your Comments