Wefdi ka socda Puntland oo u dhoofay dalka Cumaan

Posted by By at 10 April, at 13 : 20 PM Print

Wefdi ka socda Puntland oo u dhoofay dalka Cumaan

Wefdigan oo ka kooban dhowr xubnood ayaa waxaa horkacaya Wasiirka amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan.

Wasiirka oo waxyar kahor intii uusan Puntland ka dhoofin Saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada ay xiligan isaga iyo wefdigiisu Cuman uga safrayaan.

Khaliif Ciise ayaa sheegay in safarkoodu uu yimid kadib markii ay casumaad rasmi ah ka heleen xukuumadda dalka Cummaan.

Shir mudo 3-maalmood ah socon doona oo ka dhacaya caasimadda dalkaas ayuu sidoo kale wasiirku sheegay inay ka qayb gelayaan.

Shirkaas ayaa ah mid looga hadlayo arimo ay kamid yihiin sidii ay labada dhinaca isaga kaashan lahaayeen dhanka amaanka iyo la dagaalanka Burcad-badeeda.

Wasiirka amniga ee Puntland ayaa ugu danbeyntii xusay in shirkani uu yahay mid labo geesood ah oo ay Puntland iyo Cuman yeelanayaan haseyeeshee aysan jirin cid kale oo ku wehelisa.

Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in uu rajo weyn qabo in shirkaasi uu noqdo mid guul iyo is afgarad kusoo gaba gabooba islamarkaana ay go’aamo wax ku ool ahi kaso baxaan.

Waa markii ugu horeysey ee ay wefdi noocan oo kale ah oo Puntland ka socdaa dalka Cumaan gaaraan.oo ah walaalaha putlan hakas oo ay dagan yiihin shacab reer putlan kuna noola qarniiyo                                                                                                                                                                           DALWEYN MEDIA

News Somali News

Related Posts

Post Your Comments