Afhayeenka Baarlamaanka KMG ah ee Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo oo tagay Magaalada Baydhabo
Posted by By admin at 18 March, at 18 : 42 PM Print
Wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tagay Baydhabo, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen xubnaha maamulka gobolka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Shariif Xasan iyo shir jaraa’id qabtay markii lagu soo dhaweeyay Baydhabo ayaa wuxuu ciidamada Itoobiya kaga mahadceliyay gacantii ay ka geysteen in laga saaro Baydhabo xoogagii Al-shabaab.
Markii diyaaradihii waday Shariif Xasan ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa qadar kooban la jaray isgaarsiinta sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan Baydhabo.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa waxay kulammo la leeyihiin maamulka degmada, kan gobolka, xidlhibaannada iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan xarunta gobolka Bay.
Afhayeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wariyeyaal, iyadoo wafdigiisa uu noqonayo kii labaad ee dowladda ka socda oo tagay Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadan doonto booqashadiisa.
Ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya ayaa saddex toddobaad ka hor kala wareegay Baydhabo xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay muddada saddexda sano ka badan.
Related Posts
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
-
Sidee Loo Xusay 18 May 2013 +Damaashaadkii , Dabaaldegii Iyo Dhoolatuskii Maanta
~ News, Somali News
18 May, at 12 : 16 PM
-
Daawo sawirada Muqdisho oo u eg 1993 iyo wadoyinkeedii oo haawanaya , Xasan Culusow oo Kismayo ku mashquulsan.
~ News, Puntland News
18 May, at 09 : 20 AM
