Madaxweyne Shariif oo dib Muqdisho ugu soo laabtay
Posted by By admin at 14 March, at 17 : 56 PM Print
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Muqdisho ku soo laabtay, kadib safar hal cisho ah oo uu ku tagay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi.
Soo laabashada Madaxweynaha ayaa ku soo aaday xilli weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin naftii hure maanta ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha xubno ka tirsan Xukuumada iyo Baarlamaanka, iyadoo markii dambe gawaarida Martida lagu soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.
Safarkii Madaxweynaha ku tagay Addis Ababa oo ahaa casuumaad uu si gaar ah uga helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay howl galada ka socda dalka, oo Ciidamada Itoobiya ku gacan siinayaan dowladda Soomaaliya la dagaalanka Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa balan qaaday in Ciidamadiisa aanu kala bixi doono, ilaa Shabaab laga sifeeyo Gobolada dalka ay maamulaan.
Dib ugu soo laabashada Madaxweynaha ee Caasimada Soomaaliya ayaa ku soo beegantay, iyadoo qarax ismiidaamin ah oo dad ku dhinteen dadna ku dhaawacmeen uu ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada
Related Posts
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
