Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo Maanta ku Dhawaaqday Maamul uu Yeelanayo Gobolka Hiiraan
Posted by By admin at 11 March, at 14 : 08 PM Print
Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday maanta oo Sabti ah maamul cusub oo uu yeelanayo gobollka Hiiraan, kadib la tashiyo maalmihii ugu danbeeyay mas’uuliyiinta sare ee dowladda ay la lahaayeen xildhibaanno iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollka Hiiraan.
Munaasabad lagu qabtay xarunta sida ku-meelgaar ah ay hadda ugu sii shaqeyso wasaarrada arrimaha gudaha ayaa looga dhawaaqay in uu noqdo guddoomiyaha gobollka Hiiraan madaxweynaha maamulka Dooxada Shabeelle C/fitaax Xassan Afrax.
Goobta looga dhawaaqay maamulka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumada KMG oo ku mid ahaa wasiirru-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha, xildhibaanno, waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda gobollka Hiiraan.
Sida uu sheegay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb-galay munaasabada, waxaa goobta laga aqriyay wareegto uu ku saxiixnaa madaxweynaha dowladda KMG Shariif Shiikh Axmed taasoo lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobollka Hiiraan.
C/fitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo magacaabista madaxweyne Shariif, islamarkaana uu sida ugu dhaqsiyaha badan u gudan doono waajibadkiisa shaqo.
Marka laga soo tago guddoomiyaha gobollka sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay ilaa Afar guddoomiye ku-xigeen, iyo waliba guddoomiyaha degmada oo loo magacaabay Cismaan Barre Max’ed.
Maalmihii aynu soo dhaafnayba waxaa magaalada Muqdisho ku sugnaa wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Dooxada Shabeelle C/fitaax Xassan Afrax oo maanta loo magacaabay guddoomiyaha gobollka Hiiraan, iyaga oo halkaa wada hadalo kula lahaa mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG.
31-kii bishii Decembar ee ina dhaaftay ayeey aheyd markii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Dooxada Shabeelle oo wadajira kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Beledweyne xoogagii Al-shabaab ee mudada dheer ka ariminayay, laakiin wixii waqtigii ka danbeeyay waxaa jiray sheegashooyin kala duwan iyo is qab qabsi ka taagnaa dhinaca maamulka, waxaana muuqata ugu danbeytii in maanta la soo afjaray arintaa iyada ah
Related Posts
-
Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
~ News, Somali News
23 May, at 12 : 03 PM
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
