Ciyaaraha Gobollada Puntland oo ka furmay Magaalada Garowe. [Daawo Sawirrada]

Posted by By at 1 February, at 23 : 34 PM Print

Ciyaaraha Gobollada Puntland oo ka furmay Magaalada Garowe. [Daawo Sawirrada]

Tartanka cayaaraha gobolada Puntland ayaa maanta sirasmi ah uga furmay garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe.

Furitaanka tartankan oo ah kii lixaad ee loo qabto xulalka kubadda cagta gobolada Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax kasocotay dowladda Puntland oo uu ka mid ahaa kusimaha madaxwaynaha ahna madaxwayne kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire.

Madaxwayne kuxigeenka ahna kusimaha madaxwaynaha dowladda Puntland oo daah furay cayaaraha gobolada Puntland ayaa waxaa uu sheegay inuu furanyahay tartanka cayaaraha gobolada Puntland.

Xulalka kubadda cagta ee gobolada Nugaal iyo Bari oo maanta bilaabay ciyaaraha gobolada Puntland ayaa waxaa ay soo bandhigeen cayaar aad u xiiso badnayd oo siweyn u soo jiidatay dadwaynihii daawanayay iyo qaybaha bulshada oo qaarkood kala socday cayaarta warbaahinta gudaha.

Xulka kubadda cagta ee gobolka Bari ayaa qaybtii koowaad ee cayaarta goolkii ugu horeeyay kadhaliyay xulka kubadda cagta gobolka Nugaal,waxaana goosha u dhaliyay Maxamed Saciid Ciise oo xiran fanaanadda nambarka 10-aad.

Cayaarta ayaa weerar iyo weerar celis kadib waxaa ciyaarytooyada gobolka Nugaal ay soo bandhigeen dardar xoogan oo markii dambe keentay inay gooshii lagu lahaa ee cayaarta kasoo aargutaan gobolka Bari,waxaana markaasi ay ka dhaliyeen xulka gobolka Bari gool rigoore ah,taasi oo cayaarta ka dhigtay bar-bar dhac.

Qaybtii koowaad ee cayaarta ayaa waxaa ay ku dhamaatay bar-bar dhac,hase ahaatee qaybtii labaad markii la isku soo noqday ayaa waxaa ay ciyaartu kusooo laabatay dar dar xoogan,waxaana gabagabdii guusha raacday xulka kubadda cagta gobolka Nugaal,iyadoona cayaartu kusoo dhamaatay 2 gool ay lahaayeen xulka gobolka Nugaal oo marti loo ahaa iyo xulka gobolka Bari oo isaguna lahaa 1 gool.

Cayaarta ayaa maalinta beri oo ay taariikhdu tahay labada febraayo waxaa lagu wadaa inay dhexmarto xulalka kubadda cagta gobolada Haylaan iyo Karkaar oo kawada tirsan gobolada Puntland.

News Somali News Sports

Related Posts

Post Your Comments