Gogoshii Siilaanyo, Gocashada Dhulbahante, Dilkii Yagoori iyo Hungadii Xirsi
Posted by By Dalweyn Media at 9 December, at 12 : 53 PM Print
Odayo ku dhaqan deegaanka Yagoori, ayaa ku gacan-saydhay xaal-qaran iyo Magtii Nin Ciidaanka Qaranka ee deegaanada ku sugani dileen, kadib markii ay isku afgarn-waayeen qaadashada Labada qodob oo ay walwaalayeen sida la sheegay Wasiiro Madaxweynuhu arintaa u xilsaaray. Ma jiro war madaxbannaan oo ka soo baxay Labada dhinaca Midkoodna.
Haseyeeshee sida ” u sheegeen dadka deegaanka Yagoori, waxa wefdiga Wasiiradda ah oo ka koobnaa Saddex xubnood, isla markaana uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi, waxay kala ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga Md. Caddami iyo xubin Saddexaad oo goob-jooguhu si cad u sheegi kari waayey, ayaa markii ay halkaa tageen waxay ujeedada socdaalkooda ku fasireen inay tahay mid Xukuumadu ugu talo gashay inay dadka reer Yagoori kaga qanciso dhacdadii Ninkii ku baxay sida la sheegay gacanta Ciidamada qaranka ee jiidahaa ku sugan, iyo sidoo kale xaalmarin la xidhiidha falalka dadka deegaanku ka tabanayaan Ciidamadda qaranka.
Waxa kaloo wararku intaa ku dareen inay ku gacan-saydheen duqeyda iyo waxgaradkii deegaanka ee xubnaha wefdigu halkaa kula kulmeen, isla markaana waxa ay ku adkaysteen in aanay aqbali doonin wax diyo ama xaal-marin ah oo arinkaa la xidhiidha, balse waxa keliya ee u cuntami karaa uu yahay iyadoo Ninkii dilka geystay sida shareecadda Islaamku dhigayso loo dilo.
Xalinta mushkilada, ayaa waxa ilahaasi tibaaxeen in markii Labada dhinaca isku mari waayeen in wefdigii Wasiirada ahaa ay ka soo Caraabeen Yagoori Shalay Fiidkii, kadibna ay u soo baqooleen dhinaca Magaalada Caynabo.
Related Posts
-
Qarax Saaka Lagula Eegtay Ciidamada Ethiopia Magaalada Beledweyn
~ News, Somali News
22 May, at 13 : 05 PM
-
Maamulka Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay laga taageeray gobolka Gedo
~ News, Somali News
22 May, at 12 : 34 PM
-
Jaceyl xad dhaaf ah ayaan u qabaa xiriirka ayuunu jaray
~ News, Puntland News
19 May, at 17 : 05 PM
-
Maxaa kajira in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe lagu kulansiin doono Addis Ababa?
~ News, Somali News
19 May, at 16 : 49 PM
-
shir mamuulka faroole xukunka loga qadi laha oo ka wada hadleen Beelha Abgaal iyo Reer Qardho kana dhacay USE
~ News, Puntland News
18 May, at 13 : 30 PM
